Magaalada Muqdisho waxaa Maanta kulan ku yeeshay Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyaga oo doortey Gudoomiye iyo Gudoomiye Kuxigeen.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa loo doortay Yuusuf Cabduqaadir Maxamed Baffo oo heley Codad gaareya 10-cod halka Maxamed Cabdullahi isxaaq oo la tartameyey uu heley 1cod
Dhankale Gudoomiye Kuxigeen Guddiga ayaa loo doortay Nuurdiin Ibraahim Aadan oo heley Codad gaaraya 9 cod halka Cabdullaahi Cabdi Mudalib uu helay 2-cod.
Sidoo kale waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay guddoomiyeyaal iyo kuxigeenadooda ay doortaan Guddiyada doorashooyinka, Maamulada, Puntland, Galmudug, Hir-Shabeelle, Jubbaland, kuwa Banaadiriga iyo Gobolada Waqooyi oo loo yaqaan Soomaaliland.