Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta xarigga ka jaray Xabsiga Dhexe ee Magaalada Baydhabo, kaasoo si casri ah loo dhisay, waxaana dhismaha mashruucaan fulisay Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya.
Munaasabadda xarig jarka auaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xariga ka jaray Xabsiga Magaalada Baydhabo, wuxuuna amaanay kaalinta wanaagsan ay dhismahan ay ka qaadatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhismaha Xabsigan ayaa qeyb weyn ka qaadanaya xoojinta amniga iyo kor u qaadista dhaqan celinta maxaabiista.xabsiga dhexe ee Baydhabo oo xariga laga jaray1 of 6