Musharax Madaxweynaha Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Xisbiga Dan Qaran Daahir Maxamed Geelle ayaa kulan casho ahaa waxaa uu xalayto la qaatay guddoonka dalladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA.
labada dhinac ayaa kulankooda isku weeydaarsaday Barnaamijka ololihiisa Musharaxnimo iyo siyaasadiisa ku aadan Warbaahinta oo uu la leeyahay xiriir gaar ah.
” Waxaan casho sharaf la qaatay xubnaha iyo guddoonka dalladda warbaahinta Somali Media Association -SOMA oo ay ku midaysan yihiin 32 xarun warabaahineed oo ku kala yaalla 17 magaalo oo dalka ah oo Shirkooda Golaha Guud maalmahan ku lahaa magaalada Muqdisha ayuu yiri” Musharax Daahir Geelle.
“Waxaan yeelannay aragti is waydaarsi ku saabsan barnaamijka ololahayga iyo siyaasaddayda ku aaddan warbaahinta. Warbaahinta waxaan la leeyahay xiriir gaar ah, waxayna udub dhexaad u tahay dowladnimada casriga ah ee aan ku taamayo in ay Soomaaliya ka hanaqaaddo.
Xubnaha Dallada Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ay ku yeesheen kulan Saddex maalmood socday, kaas oo ay ku doorteen Xoghaye, Guddoomiye iyo kuxigeenkiisa.