Kulan uu maanta yeeshay Maamulka gobolka Bari uuna shir guddoominayay Guddoomiyaha Gobolka Bari Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan ayaa laga soo saaray amaro culus oo quseeya amniga magaalada Boosaaso.
Amaradan ayaa ah kuwo quseeya ammaanka iyadoo magaaladana ay ku sugan yihiin ciidamo kala duwan kuwaasoo uu khilaaf ka dhexeeyo.
Qodobada laga soo saaray kulankan ayaa waxaa ka mid ah in howgalo laga fulin doono xaafadaha magaalada ay ka kooban tahay.
Sidoo kale amaradan ayaa waxaa ka mid ah in ciidan aan how-gal amni ku jirrin oo hubeeysan inaan lagu arki karin magaalada gudaheeda.
Waxaa sidoo kale lagu sheegay qodobada ka soo baxay kulankan in si gaar ah ay ula socdaan dadka caadeystay falalka kicinta iyo been-abuurka lagu kicinayo amniga bulshada lagu qaban doonaa gacan adag.