Kulan looga hadlayay Amniga doorashada oo ka dhacay Teendhada Afisiyooni written by Warsan Radio 10/05/2022 Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay amniga doorashada oo ka dhacay teendhada Afasiyooni waxaana ka qeyb galay gudigga doorashada, ciidaamada amaanka Soomaaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta ee ATMIS.Shirkan oo saacad qaatay ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta Guddigga Qabanqaabada Doorashada, ciidanka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS.Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ciidanka ku amray in musharraxiinta imaaneysa hoolka dooraashada, xildhibanaada, kor-joogtada iyo suxufiyiinta loola dhaqmo si ixtiraam uu ku jiro.Dhanka kale Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa bogaadiyey dedaalka ciidanka amaanka ay wadaan iyo guddigaba, isaga oo musharaxiinta iyo cid kasta oo hoolka doorashada imaaneysa u sheegay in shaqada ciidanka lagu ixtiraamo taas looga gol leeyahay adkeynta ammaanka doorashada oo ku dhacda si nabdoon. Kulan looga hadlayay Amniga doorashada oo ka dhacay Teendhada Afisiyooni was last modified: May 10th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay xilliga hadal jeedinta Musharraxiinta xilka Madaxweynaha next post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan You may also like QM oo Xasan Sheekh kala hadlay waxka qabashada Abaaraha 01/09/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 07/08/2021 Baarlamaanka oo ansixiyay lacagaha ay bixinayaan musharixiinta guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha 31/12/2016 Galmudug oo shaacisay qabashada doorashada Afar Kursi 25/01/2022 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 08/11/2017 Puntland police carry out multiple raids on Radio Daljir and briefly shut down radio transmitter 17/09/2019 Kormeerihii Waxbarashada gobolka Shabeellaha Hoose oo la dilay 18/06/2022 Faah faahin:- Weerar lagu dilay Saddex Askari 03/07/2022 Dhageyso;- Warka Galabnnimo ee Idaacada Warsan 09/09/2022 Midowga Afrika oo Putin oo kala hadlay saamaynta dagaalka Ukraine ee Afrika 04/06/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.