Madaxwaynaha Dowlad degaanka oo ka hadlay dhibaatada ka dhalatay shidaal yarida written by Warsan Radio 18/05/2022 Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Mustafe Muxumed Cagjar ayaa ku eedeeyay dhibaatada keentay Shidaal yarida ka jirta degaanka inay mas’uul ka yihiin Ganacsato Shidaalkii loogu talo galay degaanka u weeciyay degaano kale.Wuxuu sheegay inay Ganacsatada Shidaalka ku iibinayaan suuqa madow, isla markaana uu aaminsan yahay in Shidaalka loogu talo galay degaanka uu yahay mid ku filan balse ay jiraan dad meelo kale u weecinayo taas oo keentay in uu yaraado.Dhibaatada kale ee shidaalka ka jirta ayuu Madaxwaynuhu sheegay inay tahay iyadoo kootadii uu degaanku lahaa shidaalka aysan toos usoo galin degaanka, tusaale ahaan Naaftada oo bishan la rabay in degaanka ay soo galaan 252 Booyadood, ay yimaadeen kaliya 155 Booyadood, halka Batroolka oo isagana laga rabay 96 Booyadood, ay yimaadeen 53 Booyadood taasina ay tahay dhibaato guud oo dalka Itoobiya ka jirta, sida uu sheegay Madaxwayne Mustafe Cagjar.Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa Bulshada kunool dowlad degaanka Soomaalida waxaa ay ka cabanayeen shidaal yari iyo Sicir barar taas oo keentay in Madaxweynaha degaanka uu soo farageliyo kuna eedeeyo inay mas’uul ka yihiin Ganacsatada. Madaxwaynaha Dowlad degaanka oo ka hadlay dhibaatada ka dhalatay shidaal yarida was last modified: May 18th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan next post Galmudug oo shaacisay sida laga yeelayo hadii la qabto rag uu kujiro Sheekh Shaakir You may also like Dad ku dhintay dabeylo wata qaboow daran oo dhacay Mareykanka 01/02/2023 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 22/12/2020 Al-Shabaab oo madaafiic xoogan ku gaaracay deegaanka Jannaale 19/07/2020 DHAGEYSO Wafdi Ka socda Hay ‘ada Cunada Aduunka ayaa manta soo Gaarey magalada Baydhabo Kulumana ay la qaateen Maamulka kGS 07/02/2017 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 16/09/2021 Mudo biloooyin ka dib Dagaalka Ruushka iyo Ukrian dhankee u janjeerta guusha Ruushka 26/08/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 08/10/2020 Dhageyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 07/12/2018 DHAGEEYSO;-Warka Duhur ee Radio Warsan 18/03/2020 Guddiga joogtada Golaha Shacabka oo ka shiray sharciga Hay’adda NISA 08/01/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.