Madaxwaynaha Dowlad degaanka oo ka hadlay dhibaatada ka dhalatay shidaal yarida written by Warsan Radio 18/05/2022 Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Mustafe Muxumed Cagjar ayaa ku eedeeyay dhibaatada keentay Shidaal yarida ka jirta degaanka inay mas’uul ka yihiin Ganacsato Shidaalkii loogu talo galay degaanka u weeciyay degaano kale.Wuxuu sheegay inay Ganacsatada Shidaalka ku iibinayaan suuqa madow, isla markaana uu aaminsan yahay in Shidaalka loogu talo galay degaanka uu yahay mid ku filan balse ay jiraan dad meelo kale u weecinayo taas oo keentay in uu yaraado.Dhibaatada kale ee shidaalka ka jirta ayuu Madaxwaynuhu sheegay inay tahay iyadoo kootadii uu degaanku lahaa shidaalka aysan toos usoo galin degaanka, tusaale ahaan Naaftada oo bishan la rabay in degaanka ay soo galaan 252 Booyadood, ay yimaadeen kaliya 155 Booyadood, halka Batroolka oo isagana laga rabay 96 Booyadood, ay yimaadeen 53 Booyadood taasina ay tahay dhibaato guud oo dalka Itoobiya ka jirta, sida uu sheegay Madaxwayne Mustafe Cagjar.Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa Bulshada kunool dowlad degaanka Soomaalida waxaa ay ka cabanayeen shidaal yari iyo Sicir barar taas oo keentay in Madaxweynaha degaanka uu soo farageliyo kuna eedeeyo inay mas’uul ka yihiin Ganacsatada. Madaxwaynaha Dowlad degaanka oo ka hadlay dhibaatada ka dhalatay shidaal yarida was last modified: May 18th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan next post Galmudug oo shaacisay sida laga yeelayo hadii la qabto rag uu kujiro Sheekh Shaakir You may also like Putin oo farriin u diray Xi Jinping 23/10/2022 Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne 22/06/2022 Akhriso:-Ciidamada Boliska Baardheere ku toogtay haweeney la sheegay in walxaha qarxa ku xirnaa 08/08/2019 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINRA KGS,BAYDHABO 27/02/2017 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 16/10/2019 Akhriso:-Ra’iisul Wasaare Khayre Iyo Wasiirka Maaliyadda Norway Oo Ku Kulmay Washington 19/10/2019 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 25/12/2022 Mareykanka oo sheegay inuu hayo caddeymo muujinaya in Coronavirus lagu sameeyay sheybaar ku yaalla china 04/05/2020 Akhriso:-Boqorka Sucuudiga oo la kulmay Ra’iisul Wasaare Kheyre 10/10/2018 Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Wakiilka Qaramada Midoobey ee dalka 15/12/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.