Galmudug oo shaacisay sida laga yeelayo hadii la qabto rag uu kujiro Sheekh Shaakir written by Warsan Radio 18/05/2022 Booliska Dawlad Gobolleedka Galmudug, ayaa sheegay in sababta ay u doonayaan in la soo xiro 36 qof oo ka tirsan saraakiisha ururka Ahlu-Sunna Waljamaaca oo uu kujiro hoggaamiyahooda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ay tahay, sidii loogu maxkamadeyn lahaa dambiyo ay sheegeen inay ka galeen dadka reer Galmudug.Ururka Ahlu-Sunna ayaa dagaal hubeysan kula jira maamulka Galmudug, iyagoo Jimcihii la soo dhaafay weeraray magaalada madaxda Dhuusamareeb halkaas oo dad badan ay ku dhinteen.Booliska ayaa rumeysan in xubnaha la raadinayo qaarkood ay u baxsadeen maamullada kale ee dariska la ah, halka kuwa kale ay ku dhuumaaleysanayaan miyiga magaalooyinka Dhuusamreeb, Guriceel iyo Matabaan.“Hadda waxaa joogaa Matabaan iyo Guriceel dhexdooda, waxaana ku raad joognaa firxadkoodii, waxaana kaga daba tageynaa meel alaale meesha ay galaan maadama laga harsan waayay ayna dadka Galmudug u diideen amni” ayuu yiri taliyaha booliska Galmudug Gaashaanle Sare Khaliif Cabdulle Maalin oo BBC-da la hadlayay.Taliyaha wuxuu sheegay in haddii ay gacanta kusoo dhiggaan raggan ay raadinayaan oo uu kamid yahay Sheekh Shaakir in caddaalladda ay horgeyn doonaan. Galmudug oo shaacisay sida laga yeelayo hadii la qabto rag uu kujiro Sheekh Shaakir was last modified: May 18th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxwaynaha Dowlad degaanka oo ka hadlay dhibaatada ka dhalatay shidaal yarida next post Dhegeyso:-Warka Galab ee Radio Warsan You may also like Isku dhac ciidan oo Ruushka iyo Mareykanka ku dhex-maray Syria iyo xiida oo ka sii dareysa 19/09/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Dhacdooyinka Caalamka 17/10/2022 Akhriso:-Canshuur kordhin aan adeeg kordhin waddan (wasiir Bayle iyo dadka reer Muqdisho) 02/02/2018 Diyaaraddii ugu horeysay oo Israel oo duulimaad ku tagtay Abu Dhabi iyo Qarax Ka Dhacay Abu Dhabi (Sawiro) 31/08/2020 Deegaannada Puntland laga xusayaa sanad-guuradii 22-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii maamulka, oo ku asteysan 1-da Agoosto. 01/08/2020 Madaxweyne Farmaajo oo hambalyada ciiddul fidriga u diray shacabka Soomaaliyeed 13/05/2021 Xaalad deg deg ah oo looga dhawaaqay qeybo ka tirsan Mareykanka 24/07/2022 Madaxweynaha Galmudug oo qaabilay Wafdi ka socday Hay’adaha QM 16/02/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 13/09/2021 Sawiro;-Xamse Barre oo qaabilay Danjiraha Masar ee u fadhiyo Soomaaliya 21/09/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.