Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta xilka kala wareegaya Farmaajo written by Warsan Radio 23/05/2022 Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo 15-kii Bishaan lagu doortay Teendhada Afisiyooni uu xilka kala wareego Madaxweynaha xilka kasii deagaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhaceysa Barxadda Madaxtooyada ayaa waxaa ka qeyb geli doona labada Madaxweyene ee xilka isku wareejinaya, Guddoonka labada Aqal, taliyeyaasha Ciidamada, Xildhibaannada iyo Golaha Wasiirada iyo marti sharaf kale.Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbado koo kooban ka jeedin doona munsaabadda xil wareejinta iyo xubnaha kale ee lagu marti qaaday.Wararka la helay ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh markii uu xilka la wareego uu Agaasimaha Madaxtooyada u Magacaabi doono Sanoter hore Xuseen Sheekh Maxamuud oo kasoo jeeda degaannada Koonfur Galbeed gaar ahaan Gobolka Bakool.Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa la doortay 8-dii Bishii Febaraayo ee sanadkii 2017-kii waxaana uu xilka haayay in ka badan 5 Sano, iyada oo uu inta uu xafiiska joogay dalka ay ka dhaceen dhibaatooyin kala duwan. Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta xilka kala wareegaya Farmaajo was last modified: May 23rd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Amar kasoo baxay Kooxda Taalibaan oo Maanta ka dhaqan galay dalka Afghanistan next post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Hobolkii Cabdi Cali Bacalwaan oo ku geeriyooday dalka Jarmalka 24/12/2020 Dhageyso;- Warka Galab ee Idaacada Warsan 20/05/2022 Akhriso:-Wasiir ka tirsan Xukuumadda RW Kheyre oo is casilay 20/09/2019 Nin Soomaali horey uga tirsanaa Booliska Minneapolis oo xabsiga laga sii daayay 28/06/2022 QM oo ka deyrisay mustaqbal dowladnimada Libya 06/10/2020 War-Saxaafaadeed Laga Soo Saaray Shirkii Maaliyada Ee Maanta Ka Furmay Kismaayo 21/12/2019 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 13/08/2022 Xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee dalka laga diiwaangeliyay 26/02/2021 dhageyso:-Wazarada Cafimadka KGs ayaa Kawarantey Tirada ay ugeeriyootey Cudurka Shibin Biyoodka 05/03/2017 Dhageyso:-wareysi xasaasi ah oo aanu layeelanay Gadoomiye kuxigeenka Siyaasada iyo amaanka Aadan Carab MKGS>> 14/05/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.