Iraan oo xoog kula wareegtay Maraakiib siday Shidaal written by Warsan Radio 28/05/2022 Ciidamada Ilaalada Kacaanka ee dalka Iran oo adeegsanaya diyaaradaha sida qumaatiga ah u kaca ayaa gacanta ku dhigay laba markab oo laga leeyahay dalka Giriiga oo shidaal siday.Masuuliyiinta dalka Iran ayaa sheegay inay hawlgalkan ka fuliyeen gacanka istaraatejiga ah ee Faaris.Tallaabadan ayaa u muuqata in dalka Iran uu kaga aargudanayo dalka Giriiga, taageeradii uu u fidiyey dalka Maraykanka si ay gacan ugu dhigaan Markab siday saliidh caydhiin oo ku safrayey calanka dalka Iran, kaas oo toddobaadkan ay gacanta ku dhigeen Maraykanku isaga oo maraya biyaha badda Mediterranean-ka, ka dib markii lagu eedeeyey inuu ku xadgudbay cunaqabatayntii ay Washington ku soo rogtay dalka Iran.Hawlgalkan ay Iran kula wareegtay labada markab ayaa noqonaya kii ugu weynaa ee ka dhaca gacankan istaraatejiga ah muddo bilo ah, iyadoo ay weli taagan tahay xiisadda u dhexeysa Iran iyo reer galbeedka ee ku aaddan heshiiskii nukliyeerka ee ay la gashay quwadaha adduunka. Maaddaama Tehran ay kobcinayso uranium badan, oo ku dhow heer u sahlaya inay soo saarto hubka Nukliyeerka ee wax gumaada. Iraan oo xoog kula wareegtay Maraakiib siday Shidaal was last modified: May 28th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Maxay tahay gabadha Soomaalida ah ee dishay darawalka ee sida weyn dunida looga hadal haayo? next post Galmudug oo sheegtay in ay bilaabayso dhismaha goleyaasha degaanka You may also like Daawo muqaalka Golaha Wasiirada Koonfur Galbeed ayaa kulan ay ku yeeshen Magaalada Baydhabo 11/05/2017 SJS condemns vicious online attack and misinformation campaign on its network, warns those involved 18/12/2019 Raysal wasaaraha Soomaaliya oo guddi qaran u magacaabauy ka jawaabida abaaraha ka jira dalka 21/11/2021 Hadal-Jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha Ee Maalinta 1-Aad Oo Soo Idlaatay 11/05/2022 Xisbiga Boris Johnson oo guuldarrooyin kala kulmay doorashooyinkii UK 06/05/2022 Guddoonka Golaha Aqalka Sare oo kulan yeeshay 30/04/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 02/12/2020 Kulamo looga hadlayo Arrimaha doorashooyinka oo ka bilaawdey Jowhar 24/02/2020 Dhageyso:-Warka Caawa Radio Warsan 08/03/2022 Meydka Cali Khaliif oo Muqdisho la keenayo iyo baaritaano bilaawday 10/10/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.