Qaraxaan oo ahaa mid Miino ayaa barqanimadii Maanta waxaa uu ka dhacay Gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha hoose, waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro kala duwan oo intooda badan gaaray dad Shacab ah.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in qaraxa lala beegsaday Guddoomiye kuxigeenkii hore Amniga Degmada Afgooye Xuseen Jibriil, xilli uu galayay gurigiisa oo kuyaalla wadada u dhaxeeysa Suuqa Jaadka & Saldhiga degmada Afgooye.
Wararka la helay ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhaawacmeen Guddoomiye kuxigeenkii hore Amniga Degmada Afgooye Xuseen Jibriil iyo Wiil Dhalinyaro ah oo la socday, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka degmada Afgooye.
Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, kuwaas oo sameeyay baaritaano la xiriira inay soo qabtaan dadkii ka dambeeyay qaraxaas wallow aysan ku guuleysan.
Qaraxa Maanta ka dhacay degmada Afooye ayaa kusoo aadaya xilli xalay Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay weerareen Saldhig Ciidamada dowladda ku leeyihiin degmadaasi Afgooye ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.