Haweeneey hal meel ku dishay 6 Carruur ah oo ay dhashay written by Warsan Radio 01/06/2022 Haweeney 30 jir ah ayaa tuulo ku taalla gobolka Maharashtra ee dalka Hindiya ku dishay lix carruur ah oo ay dhashay, kuwaasoo ay ku tuurtay ceel biyo ku jiraan.Markii ay falkaas samaysay kaddib ayay iyada qudheeda isku dayday inay is disho, balse Dadka tuulada ayay u suurtagashay in ay badbaadiyaan haweeneyda ku lugta lahayd dhacdadaas naxdinta leh.Haseyeeshee dhammaan carruurtii ayaa ku dhintay biyaha ceelka oo ay ku hafteen. Booliska degmada Raigad ayaa xabsiga u taxaabay hooyada oo lagu soo oogay dambi dil ah.Sidoo kale, ninkeeda ayay boolisku u xireen si ay su’aalo u waydiiyaan.Taliyaha booliska Raigad, Ashok Dudhe ayaa wareysi uu BBC-da siiyay ku yiri: “Carruurta dhimatay waxau isugu jiraan shan gabdhood iyo hal wiil. Wiilka ugu yar wuxuu ahaa hal sano jir, gabadha ugu waynna waxay ahayd 10 jir.”Dhacdadan argagaxa gelisay dadka deegaanka ayaa galinkii dmabe ee maalintii Isniinta ka dhacday tuulo lagu magacaabo Dhaklathi.Aaabaha qoyskan, Chikhru Sahani, oo 33 jir ah ayaa halkaas soo dagay muddo hal bil ah ka hor, xilligaas oo uu kasoo guuray gobolka magaalada Gorakhpur ee gobolka Uttar Pradesh.Waxa uu tuuladan u yimid si uu uga helo shaqo uu nolol maalmeedka ugu raadiyo xaaskiisa Runa, oo 30 jir ah iyo lix carruur ah oo ay dhaleen, sida uu sheegay taliyaha booliska degmada.Xigasho Bbc Somali Haweeneey hal meel ku dishay 6 Carruur ah oo ay dhashay was last modified: June 1st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Howlgal lagu qabtay Maandooriye & Ciyaal Weero oo laga sameeyay Muqdisho next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Dhageyso;- Barnaamijka Caafimaadka 09/01/2022 RW Rooble oo Safiirka Ingiriiska kala hadlay Arrimaha doorashooyinka 28/03/2022 Akhriso:-Soomaali ah oo ku Guulaystay tartan orod oo caalami ah 28/08/2017 Gargaar loogu talagaly dadka ku barakacay Colaadda Laascano oo DFS lagu Wareejiyay 30/07/2023 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 14/11/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 07/09/2020 Ra’isalwasaare Xasan Cali Kheyre oo Arinta Ziraaji Xuunta Q Midoobay Dhaxdeeda {video} 23/09/2017 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINRA KGS,BAYDHABO 25/02/2017 Doorashada Kuraastii Ugu Dambeysay Ee Taalla Dhuusamareeb Oo Lasoo Gaba-Gabeeyay 25/02/2022 Maxay ka wada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya iyo Marwo Catriona Laing? 02/05/2024 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.