Ciidanka DANAB oo howlgal ku qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab written by Warsan Radio 06/06/2022 Ururka 4aad Guutada16 Ee Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa howlgal Qorsheysan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab ka sameeyay deegaannada Tooratoorow & Caliyoow Baaroow oo dhamantood kawada tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa burburin barkontarool oo ay ku lahaayeen degaannadaas Al-Shabaab, isla markaana dadka ay lacago uga qaadi jireen.Sidoo kale waxaa ay sheegeen in intii uu socday howlgalka lagu soo qabtay lix Xubnood oo katirsan Al-Shabaab kuna sugnaa degaananda Tooratoorow & Caliyoow Baaroow, isla markaana ay la wareegeen Barta-koontorool oo ay lacagaha ku qaadayeen.Ugu dambeyn Saraakiisha Ciidamada DANAB waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab si degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose ay kaga sugan yihiin ay uga saaraan.Maalmihii la soo dhaafay ayaa Ciidanka DANAB waxaa ay kordhiyeen howlgallada ay ka fulinayaan Gobolada Shabeellooyinka, halkaas oo mararka qaar ay Al-Shabaab ka fuliyaan weeraro qorsheysan. Ciidanka DANAB oo howlgal ku qabtay Xubno katirsan Al-Shabaab was last modified: June 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Turkiga oo Shuruud ku xiray in Dowladda Sweden ay ku biirto NATO next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Shir Looga Hadlayo Abaaraha & Macluusha Ka Jirta Somalia Oo Maanta Ka Furmaya Dal Carbeed 02/07/2022 Dhageyso:-Maamulka Degmada Tiyeeglow Oo Wada Sidii dib ay U celin Lahayeen Shacabkii Dhawaan Kasoo Cararey 01/08/2016 Akhriso:-Al-Shabaab oo la waregtay deegaanka Af urur ee duleedka Boosaaso 20/07/2018 Soomaaliya oo shir guddoominaysa shirka 75-aad ee golaha guud ee QM +Sawirro 22/09/2020 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 31/10/2022 Puntland oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay madaxii dilalka iyo qaraxyada Daacish ee gobolka Bari 10/05/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 05/03/2022 Akhriso:-SJS oo ugu baaqday Puntland inay joojiso eedeymaha loo heysto agaasimihii hore Daljir 21/10/2019 Magacaabista Danjiraha cusub ee Maraykanka u joogi doona Somalia oo la ansixiyey 05/05/2024 Guddoomiyaha Cusub ee Beledweyne oo tagay Magaaladaas 27/03/2024 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.