Dowladda Soomaaliya oo kordhisey Qiimaha xajka ee Sannadkan written by Warsan Radio 07/06/2022 Guddiga Tartanka Adeega Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray Jaangooyada sicirka Adeega Xajka ee sanadka 1443/2022.Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa wadarta guud ee sicirka adeega Xajka ee sanadkan looga dhigay $5,230 (Shan kun labo boqol iyo soddon doolar), waxaana qiimaha horay uu u haa $3800, iyada oo sanadkan lagu kordhiyay $1430. iyada oo la faray shirkadaha in adeegayada xujeyda Soomaaliyeed ay sare u qaadaan tayada adeegooda.Guddiga Tartanka Adeega Xajka ee sanadka 1443/2022 kadib Markuu sameeyay xog uruurin iyo qiimeyn la xiriirta isbedelka ku yimid sicirka adeegyada xujeyda ee gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, duulimaadyada iyo kharashaadka kale ee lagama maarmaanka u ah adeegyada Xujeyda sanadka 1443/2022.Markuu Tixgeliyay baahiyada iyo duruufaha sanadkan hareeyay guud ahaan Xujeyda caalamka gaar ahaan Xujeyda Soomaaliyeed.Markuu Tixgeliyay tala soojeedinta mas’uuliyiinta shirkadaha sanadkan adeegaya Xujeyda Soomaaliyeed.Markuu latashi la sameeyay mas’uuliyiinta sar sare ee Wasaaradda ayaa la jaangooyay sicirka Qiimaha xajka ee Sannadkan oo ku baxaya (Caafimaadka, Shaqaalaha Gudaha iyo Adeegyada kale).Soomaaliya waxaa sanadkan ka baxaysa xujay gaaraysa 5,000 waxaana qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka kajira ay cabasho ka muujiyeen saamiga ay ha helaan tiradaas. Dowladda Soomaaliya oo kordhisey Qiimaha xajka ee Sannadkan was last modified: June 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada warsan next post SAWIRO:-Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta fagaaro ku toogtay Nin Haweeneey dilay You may also like Khadija Cengiz oo Dacwad culus ka gudbiyay Maxamed Bin Salman 21/10/2020 Gudoomiyaha golaha shacbaka iyo Madaxweynaha Koofur galbeed oo kulan la yeeshay Xildhibaanada ka soo jeeda KG 21/09/2020 Akhriso:-Salaad Cali Jeelle “Dowladdu waa inay farta ku fiiqdo dadka dowladnimada dhibka ku ah” 19/06/2018 Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 30/07/2022 Qaramada Midoobey oo sagootisay 600 askari oo ahaa ilaalada xafiisyada UNka ee Soomaaliya 01/09/2020 Dhageyso: Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 07/05/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Arimaha Bulshada 11/08/2020 Ciidamda Maamulka Somaliland Oo Goordhaw La Wareegay Degmo Ay Isaga Baxeen Ciidamada Puntland 31/10/2022 Ciidamo Boolis ah oo la dhigay inta u dhexeysa Muqdisho iyo Jazeera 09/06/2020 Turkiga oo Burburiyay fariisimo ay lahaayeeen Kurdiyiinta Ciraaq 19/06/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.