SAWIRO:-Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta fagaaro ku toogtay Nin Haweeneey dilay written by Warsan Radio 07/06/2022 Waxaa maanta fagaaro kuyaalla Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay lagu toogtay Nin dhawaan Haweeneey deyn ku laheyd dilay Kaas oo Maxkamadda Gobolka Baay ay dil toogasho ah ku riday.Ninkan oo lagu Magacaabayay Maxamed Xasan Maxamed (Goomeey) ayaa Haweeneyda oo lagu Magacaabi jiray Aamina Maxamed Malaaq ay ka dalbatay in uu siiyo lacag ay ku laheyd, balse uu ugu yeeray gurigiisa si uu ugu wareejiyo maadaama uusan lacag u heyn, hayeeshee uu dilay.Ciidamada nabdsugida Maamulka Koonfur Galbeed oo baadi goob dheer u galay kiiskaas ayaa Musqul kasoo saaray Meydka Haweeneyda Maalintii Sabtida aheyd ee la soo dhaafay , waxaana Alle ha u Naxariistee Aamina Maxamed Malaaq ay aheyd Haweeneey ka Ganacsan jirtay Dharka.Boqolaal kamid Shacabka Magaalada Baydhabo, Saraakiil katirsan Maxkamadda Gobolka Baay iyo ehellada Haweeneyda ayaa ku sugnaa goobta toogashada, kuwaas oo sheegay in si cadaalad ah kiiskaasi loo dhameeyay.Bulshada kunool Gobolka Baay gaar haan Magaalada Baydhabo ayaa aad uga naxay dilka Haweeneyda Magaalada Baydhabo loogu geystay kadibna meydkeeda musqusha loogu riday, waxaana uu ahaa mid si weyn looga hadal haayay degaannada Koonfur Galbeed. SAWIRO:-Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta fagaaro ku toogtay Nin Haweeneey dilay was last modified: June 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo kordhisey Qiimaha xajka ee Sannadkan next post Adeegga Internet-ka oo Saacado ka maqnaa Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya You may also like Somaliland oo xirtay Nin Baraha Bulshada ku dhaliili jiray Madaxweynaha Jabuuti 22/05/2022 ISU TAGGA ITAALKAA TAR KUWA TABAALAYSAN 24/01/2017 Rwanda iyo Uganda oo soo afjaray xiisaddii u dhexeysay 28/01/2022 Akhriso:-Xukuumadda Soomaaliya oo Casriyeyneysa Garoonka Kubbadda Cagta Dhuusamareeb 30/06/2019 MADAXWEYNE FARMAAJO OO MADAXDA DALALKA COMESA U BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHIGA DHAQAALE EE DALKEENNA 23/11/2021 Digniin kasoo baxday dowladda Soomaaliya 30/11/2023 Madaxweyne Trump oo amray in ciidammada Mareykanka laga soo saaro Soomaaliya 05/12/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 10/04/2021 Dahgeyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 04/10/2021 Somaliland Oo Ku Eedeysay Puntland Sii Hurinta Qalalaasaha Ka Socda Laascaanood 01/01/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.