Dowladda Soomaaliya oo kordhisey Qiimaha xajka ee Sannadkan written by Warsan Radio 07/06/2022 Guddiga Tartanka Adeega Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saaray Jaangooyada sicirka Adeega Xajka ee sanadka 1443/2022.Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa wadarta guud ee sicirka adeega Xajka ee sanadkan looga dhigay $5,230 (Shan kun labo boqol iyo soddon doolar), waxaana qiimaha horay uu u haa $3800, iyada oo sanadkan lagu kordhiyay $1430. iyada oo la faray shirkadaha in adeegayada xujeyda Soomaaliyeed ay sare u qaadaan tayada adeegooda.Guddiga Tartanka Adeega Xajka ee sanadka 1443/2022 kadib Markuu sameeyay xog uruurin iyo qiimeyn la xiriirta isbedelka ku yimid sicirka adeegyada xujeyda ee gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya, duulimaadyada iyo kharashaadka kale ee lagama maarmaanka u ah adeegyada Xujeyda sanadka 1443/2022.Markuu Tixgeliyay baahiyada iyo duruufaha sanadkan hareeyay guud ahaan Xujeyda caalamka gaar ahaan Xujeyda Soomaaliyeed.Markuu Tixgeliyay tala soojeedinta mas’uuliyiinta shirkadaha sanadkan adeegaya Xujeyda Soomaaliyeed.Markuu latashi la sameeyay mas’uuliyiinta sar sare ee Wasaaradda ayaa la jaangooyay sicirka Qiimaha xajka ee Sannadkan oo ku baxaya (Caafimaadka, Shaqaalaha Gudaha iyo Adeegyada kale).Soomaaliya waxaa sanadkan ka baxaysa xujay gaaraysa 5,000 waxaana qaar ka mid ah dowlad goboleedyada dalka kajira ay cabasho ka muujiyeen saamiga ay ha helaan tiradaas. Dowladda Soomaaliya oo kordhisey Qiimaha xajka ee Sannadkan was last modified: June 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada warsan next post SAWIRO:-Maamulka Koonfur Galbeed oo Maanta fagaaro ku toogtay Nin Haweeneey dilay You may also like Dhageyso+Sawiro- dood ku saabsan dib u dhiska wadooyinka Baydhabo. 06/05/2020 Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland Qaarkood oo diiday ka qeyb galka Shirka Jabuuti 13/06/2020 Madaxweyne Erdogan oo farriin u diray dalalka Khaliijka iyo Masar 02/06/2021 Shirka dalalka Baarlamaannada Afrika oo Maanta furmaya 01/09/2022 Maxaa looga hadlayaa shirka maanta ee Madaxda Soomaalida? 21/08/2021 Dhageyso:- Barnaamijka Athiiny Kydeyooy qeybtiisa 28 aad. 03/01/2023 Madaxweynaha Galmudug oo Wakiilada Beesha Caalamka kala hadlay Abaaraha 04/02/2022 Rasaas ka socota xarunta Madaxtooyadda Guinea Bissau 01/02/2022 Video:-Shir ka dhan ah Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan oo maanta ka dhacay Muqdisho (Sawirro) 11/10/2017 Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS ee meertada 75-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay 25/09/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.