Galmudug oo War kasoo saartay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Baxdo written by Warsan Radio 17/06/2022 Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire falagle ayaa sheegay in saaka waaberigii hore ay Al-Shabaab weerar saf ballaaran ah kusoo qaadeen degaanka Baxdo oo hoostaga Magalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.Wasiirka oo Warbaahinta la hadlay wuxuu sheegay in Al-Shabaab Afarta dhinaca ee degaanka Baxdo ay kasoo geliyeen Afar Gaari oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, hayeeshee Ciidamada DANAB, kuwa daraawiishta Galmudug & kuwa degaanka oo ka feejignaa weerarkooda ay ka hortageen, isla markaana Afartii Gaari, iyaga oo aan qarxin ay la wareegeen.Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dagaal xoogan oo ka dhacay degaanka Baxdo looga saaray Al-Shabaab, isla markaana looga dilay ku dhawaad 60 Xubnood halka dhankooda ay ka dhinteen mid kamid ah Cullimada degaanka oo dagaalka kujiray & Saddex Carruur ah oo rasaastu uga tagtay Guryahooda.Al-Shabaab ayaa dhankooda goor sii horeysay sheegay in weerarkii ay ku qaadeen degaanka Baxdo ay ku dileen 27 maleeshiyaad degaanka ah, hayeeshee waxaa xusid mudan in Ciidamada NISA ay degaanka Baxdo kusoo bandhigeen meydadka Xubno katirsan Al-Shabaab. Galmudug oo War kasoo saartay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Baxdo was last modified: June 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post DFS oo Dowladda Canada kala hadashay u gurmashada dadka ay saameysay Abaarta next post Madaxweynaha Soomaaliya oo war kasoo saaray weerarkii Al-Shabaab ee Baxdo You may also like Akhriso+Sawirro:-Madaxweyne Farmaajo ayaa gaaray magaalada Sharma Sheikh 08/12/2017 RW Rooble oo la kulmay Odayaasha Koonfur Galbeed (SAWIRRO) 23/11/2020 Wasiirka caafimaadka iyo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis muhiim ah “SAWIRRO” 15/02/2021 Wadamada Itoobiya, Masar iyo Sudan oo ku heshiiyey inay sii wadaan wadahadalkooda 22/07/2020 Madaxda ugu sarreysa Maamulka Puntland oo Heshiis gaaray 19/12/2023 MW Muuse Biixi iyo Mareykanka oo ka wada hadlay Dagaalka Magaalada Laascanood 23/02/2023 DAAWO SU,AAL WAYDIINTII WASAARADA MALIYADA KGS OO MAANTA KA XARUUNTA BKGS 06/01/2018 Gudoomiyaha Degmada Baraawe oo sheegay in isku day dil uu ka badbaaday 30/04/2021 Senate-ka Maraykanka oo ansixiyey xubinimada Sweden iyo Finland ee NATO 04/08/2022 Dowladda Jarmalka oo kaalmo dhaqaalle u ballanqaaday Soomaaliya 15/10/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.