Madaxweynaha Soomaaliya oo war kasoo saaray weerarkii Al-Shabaab ee Baxdo written by Warsan Radio 17/06/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey shacabka deegaanka Baxdo ee Gobolka Galguduud sida naf-hurnimada leh oo ay isaga difaaceen Alshabaab oo saaka weerar bahalnimo ah ku soo qaaday deegaankaas.Madaxweynaha ayaa tilmaamay in khasaaraha xooggan ee Bulshada Baxdo iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay gaarsiiyeen shabaab soo weerartay ay muujinayso sida Shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in si geesinimo iyo nafhurnimo leh iskaga dulqaadaan dhibaatada argagixisadu ay ku hayaan.“Reer Baxdo, waxaad saaka cashar lama ilaawaan ah u dhigteen argagixisada idin soo weerartay. Waxaad dirteen farriin xambaarsan geesinimo oo muujinaysa in ay gabaabsi marayaan maalmihii argagixisda ku dhuumaaleysanayeen gudaha dalkeenna, si ay u dhibaateeyaan dadkeenna birma-geeydada ah.”Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle Jannatul Firdowsa uga baryey muwaadiniintii ku shahiiday weerarkan iyagoo difaacaya dhulkooda iyo dadkooda, sidoo kalena waxa uu caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadka deegaanka ee ay waxyeeladu soo gaartay. Madaxweynaha Soomaaliya oo war kasoo saaray weerarkii Al-Shabaab ee Baxdo was last modified: June 17th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Galmudug oo War kasoo saartay weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Baxdo next post Galmudug oo sheegtay in dagaalkii Baxdo lagu dilay dagaalyahano Ajnabi ah You may also like Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Ka warbixiyey waxa Kasoo Baxay Kulankii RW Rooble & Midowga Musharixiinta 29/04/2021 Dhageyso;- Warka Duhurnnimo ee Idaacada Warsan 26/11/2022 Dhageyso+Sawiro:-Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo soo saaray shuruudaha laga rabo Musharaxiinta 02/11/2018 Dowladda UK oo ku baaqday in la sii waddo wadahallada si loo dhameeyo khilaafka doorashada Soomaaliya 13/03/2021 Xiisad ka taagan Baydhabo, xilli Ciidamo horleh lagu arkay 22/12/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 26/05/2020 Madaxtooyadda oo faah faahisay qodobada Maanta looga hadlay Shirka Golaha wadatashiga 12/06/2022 DHAGEYSO: Warka Duhur Idaacada Warsan 29/03/2020 Hay’adda Caafimaadka Dunida oo sheegtay in mudo labo sano ah looga hortagi karo Covid-19 22/08/2020 UNITED NATIONS ASSISTANCE MISSION IN SOMALIA (UNSOM) 08/03/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.