Maxamed Bin Salmaan oo booqasho deg deg ah ku tagaya dalka Turkiga written by Warsan Radio 19/06/2022 Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa Maalintii Isniin aheyd booqasho gobolka ah ay uga billaabatay Masar, isaga oo sidoo kale tagi doona dalka Turkiga oo uu dublumaasi Sacuudi ah ku sheegay in lagu xoojin doono xiriirka dalalka gobolka.Dublumaasiga ayaa sheegay in booqashada Qaahira ka dib uu Amiir Maxamed booqan doono dalka Urdun ka dibna uu u sii gudbi doona Turkiga.Inta uu booqashadan ku jiro ayuu kala hadli doonaa “arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah iyo iskaashiga caalamiga ah ee mustaqbalka” isaga oo intaa ku daray in heshiisyo maalgashi iyo tamarta ah ay kala saxiixan doonaan.Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in Amiir Maxamed uu 22-ka bishan June booqan doono Turkey.Waxa ay noqon doontaa booqashadii ugu horreysay ee uu ku tagto Turkiga tan iyo dilkii foosha xumaa ee gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul loogu geystay Jamal Khashoggi, dilkaasi oo argagax ku abuuray caalamka, dhaawac xoogganna u geystay xiriirka labadan dal.Booqashadan, oo daba socota mid uu Erdogan bishii April ku tagay Sacuudiga, ayaa sii xoojineysa dadaallada lagu hagaajinayo xiriirka labada dal.Diblumaasi Sacuudi ah ayaa sheegay in Amiir Maxamed sidoo kale la filayo in uu booqdo Greece, Qubrus iyo Aljeeriya, “dabayaaqada bisha July.”Dowladda Sacuudiga ayaan weli xaqiijin safarrada uu Dhaxal-sugaha dalkaasi ku kala bixin doono dalalkaasi. Maxamed Bin Salmaan oo booqasho deg deg ah ku tagaya dalka Turkiga was last modified: June 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban oo wada kulamo uu codka kalsoonida uga raadinayo Xildhibaannada You may also like Qaramada Midoobey oo Muddo kordhin u Sameysay Xafiiska QM Somalia UNSOM 29/08/2020 Ciidamada dowladda oo dagaal kula wareegay degaano katirsan Gobolka Hiiraan 01/02/2023 Aqalka Sare oo shaaciyay xilliga la guda galayo dooda afarta cutub ee ugu horreysa ee Dastuurka 28/01/2024 Gabar uu abti u yahay hoggaamiyaha sare ee Iran oo dunida ugu baaqday inay xiriirka u jaraan Iran 29/11/2022 Dhageyso: Hey`ada Qaxootiga Aduunka UNHCR Oo Gar gaar Soo Gaarsiisey Baracayaasha Degmada Baydhabo. 28/04/2020 FBI oo waraaqo sir ah ka heshay guriga madaxweyne ku xigeen hore Pence 11/02/2023 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINRA KGS,BAYDHABO 02/02/2017 Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 18/07/2022 QM oo hambalyada Ciidul Adxaa u dirtay dhammaan Soomaalida 09/07/2022 Mareykanka oo duqeyn cusub ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose 18/05/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.