Maxamed Bin Salmaan oo booqasho deg deg ah ku tagaya dalka Turkiga written by Warsan Radio 19/06/2022 Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa Maalintii Isniin aheyd booqasho gobolka ah ay uga billaabatay Masar, isaga oo sidoo kale tagi doona dalka Turkiga oo uu dublumaasi Sacuudi ah ku sheegay in lagu xoojin doono xiriirka dalalka gobolka.Dublumaasiga ayaa sheegay in booqashada Qaahira ka dib uu Amiir Maxamed booqan doono dalka Urdun ka dibna uu u sii gudbi doona Turkiga.Inta uu booqashadan ku jiro ayuu kala hadli doonaa “arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah iyo iskaashiga caalamiga ah ee mustaqbalka” isaga oo intaa ku daray in heshiisyo maalgashi iyo tamarta ah ay kala saxiixan doonaan.Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in Amiir Maxamed uu 22-ka bishan June booqan doono Turkey.Waxa ay noqon doontaa booqashadii ugu horreysay ee uu ku tagto Turkiga tan iyo dilkii foosha xumaa ee gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul loogu geystay Jamal Khashoggi, dilkaasi oo argagax ku abuuray caalamka, dhaawac xoogganna u geystay xiriirka labadan dal.Booqashadan, oo daba socota mid uu Erdogan bishii April ku tagay Sacuudiga, ayaa sii xoojineysa dadaallada lagu hagaajinayo xiriirka labada dal.Diblumaasi Sacuudi ah ayaa sheegay in Amiir Maxamed sidoo kale la filayo in uu booqdo Greece, Qubrus iyo Aljeeriya, “dabayaaqada bisha July.”Dowladda Sacuudiga ayaan weli xaqiijin safarrada uu Dhaxal-sugaha dalkaasi ku kala bixin doono dalalkaasi. Maxamed Bin Salmaan oo booqasho deg deg ah ku tagaya dalka Turkiga was last modified: June 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban oo wada kulamo uu codka kalsoonida uga raadinayo Xildhibaannada You may also like Maamulka Jubbaland oo dib u dajin u sameynaysa dadkii xoolahoodii ku waayay abaaraha 02/01/2022 Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay shil ka dhacay Somaliland 04/06/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 27/12/2020 Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar oo waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay 09/03/2021 Dhageyso+Wareysi’Ciidamada DFS Kuwa KG Oo Isku Dhinac Ah Iyo Urarka Al Shabaab Ayaa Waxaa Uu Dagaal Ku Dhaxmarey Tuulada Manaas Ee Gobolka Baay. 06/08/2016 RW Xamse oo gaaray dalka Tanzania Shirna uga qeyb galaya 25/07/2023 Wafdi ka socda Booliska Caalamiga ah ee Interpol oo soo gaaray Muqdisho 24/06/2021 Israel oo duqeyn xoogan ku wada Gaza iyo Dowlada Soomaaliya oo cambaareysay Weerarkii Israel ee Masjidka Al Aqsa 12/05/2021 Dhageyso;- Warka Duhurnnimo ee Idaacada Warsan 30/10/2022 Maamulka Jubbaland Oo Ka Jawaabtay Shirka Uu Ku Baaqay Madaxweyne Farmaajo 10/02/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.