Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta written by Warsan Radio 19/06/2022 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid ayaa ka ambabaxay magaalada Muqdisho.Safarka Madaxweynaha oo labo maalmood qaadan doona ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya.Waa safarkii ugu horreeyay ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu ambabaxo safar dalka dibadiisa ah tan iyo markii la doortay 15-kii Bishii May, waxaana haatan dalka kusime Madaxweyne ka ah Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar maadaama shalay uu isna uu safar dibadda ah u baxay guddoomiyaha Golaha Shacabka.Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaadan doono madaxweynaha cusub ee dalka Imaaraadka Sheekh Maxamef bin Zayed Al Nahyan, iyaga oo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka labada dal oo xumaa sanadihii la soo dhaaafay, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan. Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta was last modified: June 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Galab ee Radio Warsan next post Puntland oo xukun ku riday rag loo heysto dilka Wiil Dhalinyaro ah You may also like Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 08/09/2020 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Radio Warsan 19/04/2022 Video:-Qaxootiga Dib ugu Soo Laabtay Dowladaha Dariska Siminaar Maant uga Bilaawday Magaalda Baydhabo 20/10/2017 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 28/11/2018 Madaxda dowlad Goboleedyada oo shirar Gaar Gaar ah uga Socda Dhuusamareeb (Warbixin) 12/07/2020 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 21/09/2022 Dhageyso;- Warka Subaxnnimo ee Idaacada Warsan 22/09/2022 DHAGEYSO :Munaasabad Lagu Sagootinayey Waziirkii Hore ee Caafimadka KGS oo Baydhabo Ka Dhacdey . 27/03/2019 WASIIRKA MAALIYADA KGS OO BAYDHABO DIB UGU SOO LAABTEY 21/04/2018 Akriso+ Sawiro:-Waqtigii la qaban lahaa doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed oo markii Afaraad dib loo dhigay. 01/12/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.