Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Nin Mooto Bajaaj qarax ku keenay Muqdisho written by Warsan Radio 19/06/2022 Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun ayaa loo soo xiray Qarax uu ku dhaawacmay March 20222-kii kadib Bilooyin ay Nabad-Sugidda ka daawaysay dhaawac ka soo Gaaray Qaraxaasi.29-kii May, ayay Ciidamada Amniga ku wareejiyeen Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, xilligaasi oo ay Garsoor Ogolaadeen in loo gudbiyo Xabsiga dhexe Garsuge ahaan.Maxamed Cusmaan Dhagaxow ayaa Al-Shabaab ay u isticmaali jireen Qaadista Agabyada Gawaarida “spare parts” iyo Qaraxyada, waxa uuna ku dhaawacmay Qarax uu ka soo Qaaday Tabeelaha Sheikh Ibraahim oo uu soo Waday magaalada Muqdisho.Beledwayne ayuu Alshabaab kaga biiray, waxaana ku qalqaaliyay nin ay Qaraaba yihiin, waxa uu qaadan jiray 30-40 dollar markii uu kala daabulayo Agabyada ay isticmaali jireen iyo qaraxyada sida ay sheegtay Xeer ilaalinta Maxkamadda.5-tii June ayaa loo ballamay Fadhigii ugu horeeyay ee Maxkamadda, waxaana lala keenay cadaymo ay kamid yihiin Dhaawiciisa sawirro laga qaaday iyo bur-burka Bajaajtiisa gaartay.Qareenada u dooday eedeysanaha ayaa codsaday in loo Naxariisto maadaama uusan fuliya ka ahayn howlaha Al-Shabaab uu wakiilka kaga ahaa.Maanta ayay Maxkamadda ku xukuntay fadhiya kala duwan kadib 15-sano oo xabsi ciidan ah Maxamed Cusmaan Dhagaxow Haaruun, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Ciidamada. Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Nin Mooto Bajaaj qarax ku keenay Muqdisho was last modified: June 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Duqa Muqdisho oo Hay’adda IOM kala hadlay wax u qabashada dadka kasoo barakacay Abaarta next post Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Gedo You may also like Bangiga Adduunka oo u ansixiyay Mallaayiin dollar dadka abaaruhu ku saameeyeen Somalia 23/06/2022 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINRA KGS,BAYDHABO 23/02/2017 DHAGEEYSO:-WARKA HABEEN EE IDAACADA WARSAN 16/07/2017 Wararkii ugu dambeeyay tirinta codadka doorashada Kenya. 13/08/2022 Wafdi Ka Socday Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Maanta Gaaray Magaalada Baladweyne 21/08/2022 Midowga Afrika oo Ergey gaar ah u soo magacaabay Geeska Afrika 27/08/2021 Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka UK oo loo hanjabay 30/01/2023 Akhriso:-Duqa Muqdisho Eng Yarisow oo sheegaya inuu ka shaqeyn la’ yahay siyaasiyiin iyo xildhibaano 02/05/2018 QM oo war kasoo saaray kulankii hoggaamiyeyaasha dalka ay ku yeesheen qadka Internet-ka 23/06/2020 Madaxweynihii Hore Dalka Brazil oo kaga adkaaday Xilka Madaxtinimo ee Dalkasi madaxweynaha xilka haya 31/10/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.