Shiinaha oo dalal ay kujirto Somalia ka caawinaya soo afjarida colaadaha written by Warsan Radio 21/06/2022 Ergeyga gaarka ah ee dalka Shiinaha u qaabilsan gobolka Geeska Afrika, Xue Bing, ayaa sheegay in Beijing ay diyaar u tahay inay ka caawiso dalalka gobolka Geeska Afrika hawlaha nabadaynta iyo sidii meesha looga saari lahaa, waxa uu ugu yeeray, faro-felinta lagu hayo dalalka gobolka.Xue Bing ayaa hadalkan ka sheegay intii uu socday kulanka u dhexeeya dalka Shiinaha iyo wadamada gobolka Geeska Afrika ee ka dhacay magaalada Addis Ababa oo ay ka qaybgaleen illaa lix dal, kaas oo ah kulankii ugu horreeyey ee ay labada dhinac kaga wada hadlaan arrimo la xidhiidha nabadda, maamulka dawliga ah iyo horumarinta.Xue Bing ayaa sheegay in qalalaasaha iyo kala qayb-sanaanta gobolka ka taagani inay sii kordhayso, wuxuuna xusay inay haatan dib u soo cusboonaatay aragtidii dagaalka qabow iyo loollaankii quwadaha caalamka ee ku aaddan gobolkan, iyada oo ay arrintaasi caqabad ku noqotay in horumar laga gaaro nabadda iyo horumarinta gobolka.Inkasta oo dalka Shiinuhu uu muddo dheer saaxiib ganacsi la ahaa wadamada Afrika, haddana tallaabadan uu haatan qaaday waa tii ugu horraysay ee u muuqata in dalka Shiinuhu uu danaynayo inuu farogelin ku sameeyo siyaasadaha ka socda wadamada Afrika, taas oo u muuqata in isbedel weyni ku yimi siyaasaddii arrimaha debedda ee Shiinaha.Ergeyga Shiinaha u qaabilsan gobolka Geeska Afrika ayaa sannadkii hore wuxuu sheegay in siyaasadda arrimaha debedda ee dalkiisa ee ku aaddan arrimaha nabadda iyo horumarinta gobolka Geeska Afrika inay diiradda saarayso xaqiiqada haatan jirta iyo waayo-aragnimadii hore, iyada oo ujeedaduna ay tahay in dalalka gobolka laga caawiyo sidii ay uga takhalusi lahaayeen farogelinta debedda.Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada Gobolka Geeska Afrika oo ay xilligaan kajiraan rabshado iyo colaado daba dheeraaday, isla markaana u baahan in wax laga qabto Shiinaha oo dalal ay kujirto Somalia ka caawinaya soo afjarida colaadaha was last modified: June 21st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post DFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka cusub ee Hay’adda UNFPA You may also like Raysal Wasaare Khayre & Danjire Berlanga oo ku rucleeyay Istadium Muqdisho (Sawirro) 09/07/2020 Midowga Afrika oo Magacaabay bedelka Simon Molunga oo DFS ceyrisay 07/02/2022 Midowga Musharaxiinta oo ku baaqay in isbedel lagu sameeyo Hoggaanka NISA 04/09/2021 Wargeys soo bandhigay canshuurta uu bixiyay Trump sanooyiinkii u dambeeyay 28/09/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 23/10/2021 Ciidamada Jabhadda Amxaarada oo kaabiga ku haya Caasimadda Addis Ababa 27/01/2024 Ciidamo digniin ka soo saaray diiwaangelinta Puntland 05/02/2023 Madaxweyne Ku-Xigeenada Galmudug Iyo Jubbaland Oo Maanta Ku Kulmay Muqdisho 11/05/2022 Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan 07/10/2021 Madaxweyne Farmaajo oo ugu Hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed Ciidda Carafo 19/07/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.