DFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka cusub ee Hay’adda UNFPA written by Warsan Radio 21/06/2022 Siihayaha xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan , ayaa xafiiskiisa Wasaaradda kaga guddoomay waraaqaha aqoonsiga Wakiilka cusub ee Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Dadweynaha (UNFPA) u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Niyi Ojuolape.Intii lagu guda-jiray kulanka qaabilaadda, waxaa lagaga wadahadlay dhowr arrimood, oo ay ku jirto xoojinta wadashaqaynta u dhexeysa Soomaaliya iyo Sanduuqa Qaramada Midoobey ee Dadweynaha iyo horumarinta xiriir adag oo togan iyadoo la kordhinayo waxqabadka howlaha ay hay’adda UNFPA ka waddo dalka.Xiriirka dowladda Federaalka & Hay’adda UNFPA ayaa taasoo ka qaadanaya in la gaaro yoolalka ka baxsan gargaarka bani’aadanimo oo ah hagaajinta nolosha muwaadiniinta iyo joogtaynta shaqada ee dhinacyada daryeelka caafimaadka iyo taageerada bulshada.Kulanka qaabilaadda ee Wakiilka cusub ee UNFPA waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee habmaamuuska ee Wasaaradda, Avv. Xirsi Xaaji Culusow iyo Agaasimaha Waaxda Ururrada Adduunka, Mudane Xasan Maxamed Cali. DFS oo waraaqaha aqoonsiga ka guddoontay Wakiilka cusub ee Hay’adda UNFPA was last modified: June 21st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Shiinaha oo dalal ay kujirto Somalia ka caawinaya soo afjarida colaadaha next post Madaxweyne Deni & kuxigeenkiisa oo heshiis horudhac ah ka gaaray khilaafka You may also like Akhriso;-Madaxweynaha Erdogan oo ka hor-yimid qorshaha Mareykanka 09/01/2019 Madaxweyne Deni oo go’aamiyay qiimaha la iibinayo Buugaagta Manhajka Waxbarashada Puntland 15/08/2022 Taliska ciidanka Gorgor oo sheegtay iney la wareegeen deegaano hoostaga degmada Awdheegle 22/12/2021 DHAGEYSO: Xildhibaanno ka hadlay Mooshinka laga wado Ra’iisal wasaare Kheyre 10/07/2017 Illaa Afartameeyo Kuraasta Baarlamaanka oo is bedel lagu sameeyay deegaan doorashadooda (Akhriso) 03/07/2020 Waqtiga xilka loo dhaarinayo Madaxweynaha KMG ee GABON oo lagu dhawaaqay 01/09/2023 Dhageyso: Munaasabada Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Oo Baydhabo Lagu Xusay. 22/02/2020 Taliyaha ciidanka milatariga oo kormeeray xerada Lama galaay (Daawo Sawirro) 07/06/2020 MW Xasan “Xadgudubka Itoobiya waxay wiiqaysaa dadaallada caalamiga ah ee xasilinta Badda Cas” 02/03/2024 Aasaasihii Wikileaks Julian Assange ayaa laga xayuubiyey dhalashadii Ecuador 28/07/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.