Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday rag ku eedeysan dil & weeraro bambaano written by Warsan Radio 21/06/2022 Cabdi Xasan Rooble Maxamed, Cusmaan Xasan Macalim Aadan, Maxamed Abuukar Ibraahim Abiikar iyo Mucaad Maxamuud Maxamed ayaa loo haystaa Bambooyin ay mar qura kuwada tuureen Baro Ciidan iyo kamid ahaanshiyaha Ururka Alshabaab.Cabdi Xasan Rooble Maxamed oo magiciisa Afgarashadu yahay “Afay” ayaa loo haystaa in uu Alshabaab kamid ahaa, waxa uu ka qayb galay dhowr weerar oo ay Al-Shabaab ku qaadeen Fariisimo ay Ciidamada ku leeyihiin deeganno ka tirsan Gedo iyo Shabeellada Hoose.Waxa uu sidoo kale ku Eedeysanaa ka qayb galka Dil loo gaystay Allaha Unaxariiste Marxuum Cali Maxamed Xasan “Cali Gaab” oo ka tirsanaa wasaaradda Gaadiidka iyo in uu Bam ku tuuray saldhiga degmada Hodan.Cusmaan Xasan Macalim Aadan oo Alshabaab ugu howl-galayay “Anas” waxa uu Alshabaab kala qayb galay weeraro ay ka gaysteen qayba kamid ah Jubbooyinka, waxaa sidoo kale lagu soo qabtay Bam uu ku tuuray Warta-Nabadda.Maxamed Abuukar Ibraahim oo isna isticmaali jiray magaca “Sakariye” Alshabaab dhexdooda ayaa isna ka soo dagaalamay qayba kamid ah Shabeellada Hoose, waxaa lagu soo qabtay kadib Bam uu ku tuuray Saldhiga Boliiska ee Howl-wadaag.Mucaad Maxamuud Maxamed oo ina magac ahaan Alshaabaab dhexdooda u isticmaali jiray “Ducaale” waxa uu ka dagaalamay Shabeellada Hoose, waxaana loo soo wareejiyay Muqdisho, waxaa la soo qabtay isaga oo Bam ku tuuray saldhiga Yaaqshiid.Dhammaan afarta Eedeysane ayaa mar qura kuwada tuuray Bam F1- AH saldhigyada Warta-Nabadda, Howl-wadaag, Hodan & Yaaqshiid, February Sanadkan 22-keedii.30-kii March sanadkan ayaa lagu soo wareejiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, waxaana isla xilligaas loo gudbiyay xabsiga dhexe Garsuge ahaan.Baaris dheer oo ay xafiiska xeer ilaalinta kaalintooda ku qaateen, waxa ay codsadeen in la maxkamadeeyo April billowgeeda, Maxkamadda ayaana Ogolaatay fadhigii koowaad 21 May bishii ina dhaaftay.Fadhiya kala duwan kadib oo ay qayb ka ahaayeen dhinacyada dacwadda, sida xeer ilaalinta qareenada iyo Caawiya-yaasha kale sida maragyo iyo dhibanayaal, maanta ayay Maxkamadda Go’aan ka soo saartay sida dhinacyada dacwadda uu la wadaagay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Garsoorayashaa Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.Cabdi Xasan Rooble Maxamed ayaa lagu xukumay Dil-toogasha ah, kadib markii ay Maxkamadda ku heshay dilka Allaha Unaxariistee Marxuum Cali Maxamed Xasan “Cali Gaab” oo ka tirsanaa wasaaradda Gaadiidka, dilkaasi oo ka dhacay Wadajir gaar ahaan Xaawo taako February 20-keedii Sanadkan. Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday rag ku eedeysan dil & weeraro bambaano was last modified: June 21st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Galmudug & Puntland oo shir ka yeeshay Amniga Gaalkacyo next post Madaxweynaha Somaliland oo la kulmay Ergada dhex-dhexaadinta You may also like Doon siday Xoolo laga dhoofiyay Soomaaliya oo degtay 02/02/2023 Diyaarad Sida Gargaar Oo Ka Degtay Degmada Go’doosan Ee Xudur 18/01/2021 Faah faahin: Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Gobolka Hiiraan 16/01/2023 RW Xamse oo ganacsatada kala hadlay doorka ay ku leeyihiin Dowladnimada Somalia 17/10/2023 Dhageyso:-maamulka gobolka hiiraan iyo kan degmada beleswyne ayaa dhaxdgigay wado dhaxmarto magaalada beledweyn. 19/01/2017 Duqeymo qasaaro geystey oo ka dhacey gobolka jubadaxa dhexe, 18/11/2018 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 21/07/2019 Ciidanka ATMIS oo Saldhig ay kaga sugnaayeen Shabeellaha Dhexe faarujiyey 19/10/2023 Akhriso Warbixin:- Dowladda Uganda oo sheegtay ciidammo dheeraad ah u direysa Soomaaliya iyo su`aalo ka taagan sababta keentay 27/11/2016 RW Kheyre oo faray Wasaarada Maaliyadda bixinta lacagta ku baxeysa ka hortaga Fatahaada Baladweyne 10/05/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.