Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne written by Warsan Radio 22/06/2022 Waxaa Magaalada Beledweyne iyo degaannada hoostaga iyo Guud ahaan Gobolka Hiiraan xilligaan kajirta Abaar daran iyo xaalad macluul oo saameeysay dadka barakacayaasha ah, taas oo keentay in Carruur farabadan ay nafaqa darro u geeriyoodaan.Qoysas kasoo barakacay degaannada kale ee Gobolka Hiiraan ayaa ku sugan Magaalada Bedweyne, waxaana mid kamid ah Xerooyinka ay kunool yihiin ay Carruur ugu geeriyoodeen nafaqa darro.Hooyo Caamilo Ibraahim Cusmaan oo kamid ah dadka kunool Xerooyinka barakacayaasha Beledweyne ayaa sheegtay in mid kamid ah lix Carruur ah oo ay dhashay uu nafaqo darro u geeriyooday, iyada oo dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Hir-Shabeelle ugu baaqday in loo soo gurmado.Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, maareynta iyo musiibooyinka Maamulka Hir-Shabeelle Cabdi Mahad Qoorgaab ayaa dhankiisa sheegay in dadka kujira ilaa lix Kaam oo kuyaalla Magaalada Beledweyne ay isugu jiraan dad kasoo barakacay, Abaaraha, Coolaad Beeleedyada iyo dagaalada u dhaxeeya Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.Wuxuu ugu baaqay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Hay’adaha Caalamiga ah inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadkaasi Barakacayaasha ah oo xilligaan ay heystaan dhibaatooyin kala duean.Todobaadkii hore ayay aheyd markii ilaa lix Carruur ah ay xaaladdo nafaqa darro ugu geeriyoodeen xerooyin kuyaalla degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan. Carruur Macluul ugu Geeriyootay Magaalada Beledweyne was last modified: June 22nd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo shaacisay inay go’aan ka gaareyso xirnaanshaha Muqtaar Roobow next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Biden oo diiday codsigii G7 ee in dib loo dhigo ka bixitaanka Maraykanka ee Afghanistan 25/08/2021 Golihii degaanka degmada Bardaale oo la kala diray 15/08/2022 Kenya oo Dalka Haiti Ciidamo u diraysa iyo QM oo soodhaweysay tallaabadaasi 01/08/2023 Militeriga Ruushka oo duqeyn lagu hoobtay ka geystay Magaalada Zaporizhzhia ee dalka ukrain 10/10/2022 WAFDI KA SOCDA DOWLADA FADARAALKA OO BAYDHABO SOO GAAREY . 12/08/2019 Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed laftagareen oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka dowlad degaanka Soomaalida 09/08/2022 Dhageyso : Barnaamijka Kulanka Warsan 25/01/2023 Puntland oo gacanta ku digtay Kalluumeysato Ajnabi ah iyo doomo ay wateen 19/11/2022 DHAGEYSO: WASIIRKA WARFAAFINTA KGS OO KA HADLEY SHIRKII BADQABKA SAXAFIGA EE LAGU KALA DAREEREY 23/04/2018 Yoweri Kakuta Museveni oo markii toddobaad loo dhaariyay madaxtinimada dalka Uganda 13/05/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.