Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah written by Warsan Radio 24/06/2022 Ciidamada Booliiska dalka Mozambique ayaa xiray 5 qof oo Soomaali ah oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin shabakad isku xiran oo afduub sameeya kana ganacsata maandooriyaha magaalada xeebta ku taal ee Beira ee gobolka Sofala.Sida uu sheegay afhayeenka booliiska Daniel Macuacua, Soomaalida ayaa haysto Sharci ama aqoonsi oo been abuur ah.Waraaqaha Aqoonsiga ayaa isugu jiray lix baasaboor oo Kenyan ah, 13 kaar oo magangalyada dalka Mozambique ah, toddobo waraaqo aqoonsi ah oo Mozambique iyo Kenya ah, iyo afar dukumentiyo oo Mozambique ah.Mr Macuacua ayaa intaa ku daray in booliisku ay sidoo kale baarayaan shaqaalaha rayidka ah ee kooxda u fududeeyay soo gelitaanka iyo helitaanka dukumentiyada.“Intii lagu jiray baaritaan dheeri ah, waxaa la ogaaday inay xiriir la leeyihiin qaar ka mid ah shaqaalaha Gudaha ah kuwaas oo ay u badan tahay inay fududeeyeen soo saarista dukumentiyadan”, ayuu yiri Mr Macuacua.Mozambique ayaa loo arkaa meel ay maraan kumanaan muhaajiriin ah oo sanad walba ka soo talaabaya xudduudaha dalka Koonfur Afrika, waana mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya qaaradda.Bishii Oktoobar, Adeegga Socdaalka Qaranka Mozambique ayaa xiray 53 muhaajiriin ahoo si sharci darro u joogay bartamaha Gobolka Tete ee dalka Mozambique. Booliska dalka Mozambique oo xiray 5 Dhalinyaro Soomaali ah was last modified: June 24th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweeysay lacagta Bangiga Adduunka ku taageeray Abaaraha next post Ergayga dowladda Somalia u magacaawday Ururka OIC oo Waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay You may also like Dhageyso:-Fariinta Caafimaadka ee Coronavirus 08/04/2021 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINTA KGS 05/08/2017 Dhageyso:-Warka Caawa ee Idaacada Warsan 08/05/2020 Guddoomiyaha aqalka sare oo soo saaray habraaca lagu maamulayo doorashada xildhibaanada gobolada waqooyi 19/11/2020 Deegaanada Soomaalida oo maanta laga wada ciidaayo 13/05/2021 Mudo sanado ah ka dib, Iran iyo Imaaraadka oo dib u soo celinaya Xiriirkooda diblomaasiyadeed eeka dhaxeyey 22/08/2022 Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee dowladda Finlad 16/01/2023 Dhageyso:-Daawo: Xildhibaano Ka Tirsan Koonfur Galbeed Somaliya Oo Mooshin Ka Keenay Gudoomiyaha BKGS+ Xiisado Cusub 30/07/2016 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 26/10/2020 Dowladda Federaalka oo ka Warbixisay khasaaraha ka dhashay Howlgal culus oo dhacay 16/02/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.