Mareykanka oo maxbuus ku wareejiyay ururka Talibaan written by Warsan Radio 25/06/2022 Ururka Taliban ee xukuma Afghanistan ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in dawladda Maraykanku ay xabsiga Guantanamo Bay ee ku yaalla dalka Cuba ay ka sii daysay mid ka mid ah labadii maxbuus ee ugu dambeeyey ee u dhashay dalka Afghanistan kuwaas oo lagu hayey xabsigaas 15-kii sano ee ugu dambeeyey.Ururka Taliban ayaa sheegay in sii deynta Asadullah Haroon, inay ka dhalatay “xidhiidh toos ah” oo ay arrintan ka yeesheen Maraykanka iyo ururka Taliban.Maxbuuskan la sii daayey oo haatan ay da’diisu tahay 29 jir ayaa lagu wareejiyey saraakiisha Taliban ee ku sugan magaalada Doha ee xarunta dalka Qatar, halkaas oo ururka Taliban ay ku leeyihiin xafiis diblomaasiyadeed.Muhammad Rahim oo ah maxbuuska u dhashay Afghanistan ee xabsigaas ku hadhay ayaa lagu eedeeyey inuu xidhiidh aad u dhow la lahaa hoggaamiyihii ururka al-Qaacida ee la dilay Osama bin Laden.Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka ayaa Arbacadii sheegtay in sii deynta Haroon ay daba socotay go’aan ka soo baxay maxkamadda Mareykanka oo ahaa in Pentagon-ka uusan hadda lahayn awood sharci ah oo ay ku sii hayn karto. Mareykanka oo maxbuus ku wareejiyay ururka Talibaan was last modified: June 25th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Gaadiidleyda Kenya oo ay soo wajahday cabsi uga timid ururka Al-Shabaab next post Dhageyso;- Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Sii Hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Guuleed oo booqday Bangiga Dhexe 29/07/2020 Dhageyso:-Amarkii Wazarada Xanaanada Xoolaha oo dhaqangaley 28/03/2019 DFS Oo Sheegtay In Howlgal Ka Dhacay Sh/Dhexe Ku Dishay Xubno Ka Tirsanaa Al-Shabaab 19/01/2023 Soomaaliya iyo Finland oo ka wada-hadlay gurmadka Abaaraha iyo dib u heshiisiinta 19/07/2022 Dhageyso:-Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 05/03/2022 Dadaalo lagu dhameynayo khilaafka u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble oo markale ka bilowday Muqdisho 21/09/2021 Qalbidhagax oo shaaciyey qofka ay la tahay inay laheed amarkii loogu dhiibay Itoobiya 22/11/2020 Madaxweyne Deni oo wasiirro cusub magacaabay kuwo kalena eryay 23/05/2020 Wasiir Beyle oo diiday go’aankii loogu yeeray ee ka soo baxay xeer ilaaliyaha qaranka 26/06/2022 Carruurta Afrika oo la siinayo tallaal looga hortagayo cudurka duumada 07/10/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.