Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya written by Warsan Radio 06/07/2022 Ku Simaha Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya ahna u qaybsanaha safaaradda Soomaaliya ee Midowga Africa iyo Hay’adda dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee UNECA Shaafici Nuur Calas Faarax ayaa xarunta Safaaradda ee Magaalada Addis Ababa ku qaabilay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) Ambassador Alex Wetzig iyo danjiraha Safaaradda Jamhuuriyadda Chile (Jilli) ee dalka Itoobiya Ambassador Fernando Zalaquett.Kulankan ayaa ka dhashay codsi rasmi ah oo ay dhowaan Safaaradda Jamhuuriyadda Chile ee Addis Ababa soo gaarsiisay Safaaradda Soomaaliya ee Itoobiya, kaasi oo salka ku hayay baadi goobka taageero Diplomaasiyadeed oo ay Jamhuuriyadda Chile si rasmi ah u waydiisanayso Jamhuuriyadda Soomaaliya.Arrintaan ayaa dowladda Chile ay kaga gol leedahay maadaama ay u sharaxan tahay hogaaminta Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, isla markaana ay ka dalbanayso Dawladda Soomaaliya inay ku taageerto oo siiso Dawladda Chile codka rasmiga ah ee ay Soomaaliya ku leedahay fadhiyada rasmiga ah ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay. Dal kuyaalla Koonfurta Amerika oo Codsi Diplomaasiyadeed u soo dirtay Soomaaliya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya You may also like SAWIRO:-Dowlada Ingiriiska Oo Baydhabo 200 Askari Tawabar Ugu Soo Xirtey. 08/01/2020 Dab Ka Kacay Guri Ku yaala Muqdisho oo Qasaaro Dhaley. 17/06/2018 Akhriso: Illaa 12 safiir oo Golaha Wasiirada ansixin lahaayeen oo la celiyay iyo dood ka dhalatay awood qeybsiga 07/01/2021 Dhageyso+Sawiro:-Xabsiga ugu weyn ee KG oo laga hirgalin doono magalada baydhabo 27/08/2019 Mareykanka Oo Soomaaliya Ka Taageeraya Gurmadka Loo Fidinayo Dadka Abaaruhu Saameeyeen 13/06/2022 laamaha Amniga Puntland oo lagu wareejiyay Nin dil ka geystay Gobolka Sanaag 08/07/2022 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 11/10/2021 Ra’iisul Wasaare Xamse oo u baxay safar dalka dibaddiisa ah 24/07/2023 Dhageyso:-Tuulada Ceelcade ayaa Lagodilay 12 Qof iyo labo Qof iyo hubkoodi 14/07/2017 Dowladda Federaalka oo shahaado ku xirtay badeecadaha lasoo galiyo dalka 17/08/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.