laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & waxyaabaha maanka dooriya written by Warsan Radio 06/07/2022 Ciidamada kala duwan ee Booliska Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa NISA ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay howlgallo lagu xaqiijinayo Alniga Caasimadda, kadib markii ay Magaalada kusoo bateen Kooxo burcad ah oo dadka dilaya kadibna dhac u geeysanaya.Ciidamada ayaa xalay howlgallo ka sameeyay degmooyin katirsan Gobolka Banaadir, sida, Waaberi, Hodan iyo Dharkeenleey, iyaga oo gacanta ku dhigay Kooxo hubeysan oo Burcad ah, Ciyaal weero iyo waxyaabaha Maanka dooriya.Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in intii uu socday howlgalka lagu soo qabtay dad aan aheyn Ciidan oo Magaalada Muqdisho ku dhex watay hub sharci darro ah iyo Maandooriye farabadan, sida Xashiishka iyo Khamriga.Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in marnaba Ciidamada Booliska Soomaaliya aysan aqbali doonin in la dhibaateeyo dadka Shacabka, isaga oo dhinaca kale Shacabka ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga iyo ka hortagga Kooxaha Burcadda ah.Waxaa uu markale ku celiyay Afhayeenka in Ciyaal weeradii dadka dhibaatada ku haayay ay isku bedeleen kuwo Gaangis ah oo dadka dhibaateeyo, isaga oo Waalidiinta uga digay inay soo daba galaan Ciyaal weerada lagu soo qabtay, iyaga oo faraha kula jira falal liddi ku ah Amniga.Howlgalkan Ciidamada Booliska iyo kuwa NISA ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho ayaa daba socday kadib markii shalay Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya uu ku dhawaaqay in Muqdisho laga bilaabayo howlgallo ka dhan ah Kooxaha Burcadda ah iyo Ciyaal weerada. laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & waxyaabaha maanka dooriya was last modified: July 6th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xero lagu tababaro Ciidanka Soomaaliya next post Dhageyso:-Warka Duhurnimo ee Radio Warsan You may also like SAWIRO:- Ciidamo katirsan howlgalka ATMIS oo soo gaaray Muqdisho 08/02/2023 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 07/09/2021 Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in bahda Waxbarashadu ay yihiin naftood hurayaal 12/08/2023 Booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in la soo afjaray weerarkii Hotelka Xayaat 21/08/2022 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 17/10/2019 Kumanaan kun oo ka qeyb qaatay Mudaharaad looga soo horjeedo FRANCE oo ka dhacay Bangaladhesh 27/10/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Fanka iyo Suugaanta Oo Marti Noo AhCabdiqaadir Roobow 10/08/2016 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 26/01/2021 Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan 18/05/2022 Ciidamada Ruushka Oo Weerar Ku Ekeeyay Dad Banaanbax Ka Dhigaayay Magaalo 03/04/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.