Mareykanka oo qorsheynaya in iskaashi Amni uu la yeesho Somaliland written by Warsan Radio 08/07/2022 Guddiga Addeega Hubka Aqalka Wakiilada Maraykanka, ayaa waaxda difaaca u soojeedisay in la amba qaado xiriir amni oo Somaliland iyo Maraykanku yeeshaan.Guddiga ayaa soo jeediyay in dowlada Maraykanka Somaliland la kaashato sugida amniga gobolka Geeska Afrika, isla markaana ay iskaashi kala yeelato iswaydaarsiga xogta sirdoonka, dhoolatusyo wadajira oo ay sameeyaan labada ciidan, howlgalada badaha oo ay wada fuliyaan iyo tababaro lasiiyo ciidanka Somaliland.Xukuumada Somaliland ayaa bogaadisay talaabada ay guddida adeegyada hubku qaaday, iyadoo qoraal kasoo baxay xafiiska Somaliland ee Washington, ay xukuumada Somaliland ugu sacabo tuntay talaabadan.“Somaliland waxay bogaadinaysa talaabada ay qaadeen Guddiga Adeega Hubka ee Wakiilada Maraykanka, si ay u horumariso iskaashi amaan oo xooga oo dhexmara Somaliland iyo Maraykanka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Somaliland ee Washington.Xiriirka Somaliland iyo Maraykanka ayaa u muuqda mid u socda xaga wadajirka tan iyo markii bishii March uu madaxweyne Biixi safar ku tagay Washington, safarkaasi oo Maraykanka kaga doonayay iskaashi iyo saxiibtinimo. Mareykanka oo qorsheynaya in iskaashi Amni uu la yeesho Somaliland was last modified: July 8th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post laamaha Amniga Puntland oo lagu wareejiyay Nin dil ka geystay Gobolka Sanaag next post Sacuudiga oo diyaariyay qorshaha Amniga Xajka ee sanadkan You may also like Sawiro;-Xamse oo khudbad ka jeediyay Shirka Caalamiga 28/08/2022 Atoorihii Caanka ahaa ee Sean Connery oo geeriyooday 01/11/2020 DAAWO: CALEEMO SAARKA MALAAQA GUUD EE BEESHA JIROON OO KA DHACDEY MAGAALADA WAAJID EE GOBOLKA BAKOOL, 06/01/2018 Dhageyso Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa tababar ugu soo xirey magaalada Beledweyne ciidamo ka tirsan Hirshabeelle 07/01/2017 Akhriso jadwalka Doorashada Lagu Wado inay Sanadkaan Dalka ka Dhacdo 06/08/2016 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 08/04/2021 Waqtiga xilka loo dhaarinayo Madaxweynaha KMG ee GABON oo lagu dhawaaqay 01/09/2023 Ugu yaraan 5,000 oo qof oo loo xiray Banaanbaxyada ka socda Mareykanka 02/06/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 11/10/2020 Maamulka Gobolka Banaadir oo War kasoo saaray Ammarka Kaamirooyinka loogu xiraayo Ganacsiyada 01/12/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.