Somaliland oo beenisay warar ay baahisay warbaahinta Israa’iil written by Warsan Radio 11/07/2022 Xukuumada Somaliland ayaa beenisay war uu wargayska The times of Israel ku sheegay in wafti ka socda Somaliland ka qayb galay shir lagaga hadlayay xiriirka Afrika iyo Israa’iil.Qoraal kasoo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland, ayaa lagu beeniyay run nimada warkan oo uu Wargaysku nuqulkiisii soo baxay 9 July ku sheegay in Wasiirka Difaaca Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye uu ka qayb galay shirka oo ay soo qaban qaabisay safaarada Israa’iil ee Faransiiska bishii May.“Warar aan sal iyo raad toona lahayn ayaa lagu baahiyay wargayska The Times of Israel kaas oo ay ku sheegeen in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiggu JSL uu ka qayb galay shir lagaga hadlayay iskaashiga Israel iyo wadamada Afrika, waana been cad oo marag ma doona” ayaa lagu yidhi qoraalka wasaarada.Wasaarada ayaa sheegtay in wasiir Caateeye uu xiliga wargaysku sheegay kamid ahaa guddidii qaban qaabada munaaasibada 18 May, isla markaana uu ku mashquulsanaa hirgalinta munaasibadaa.“Abdiqani Maxamuud Caateeye waxa uu mudooyinkii u dambeeyay ka shaqaynayay hawlaha qaranka ee horyaala waxa uu ka mid ahaa gudidii qaban qaabada maalinta qaran ee 18May waxaana uu ahaa gudoomiye ku xigeenka gudadda 18may, Wakhtigaa uu wargaysku ku sheegay” ayaa lagu yidhi qoraalka wasaarada.Wargayska The Times of Israel, oo faalo ka qoray xiriir ay suuragal tahay in waddamada Geeska Afrika la yeeshaan Israa’iil, ayaa sheegay in Somaliland ka qayb gashay shir lagu falan qaynayay xiriirka Afrika iyo Israel bishii May, warkaasi oo Somaliland beenisay. Somaliland oo beenisay warar ay baahisay warbaahinta Israa’iil was last modified: July 11th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegay in deg deg loo soo celinayo Ciidamada tababarka u jooga Ereteriya next post Ciidanka dowladda oo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab fuliyay You may also like video Wasiirka Gaashaandhiga Somalia oo ka hadlay Waxyaabahii lagu Heshiiyay 11/05/2017 DHAGEYSO:-BARNAAMIJKA KULANKA WARSAN 14/11/2017 Madaxweynaha Lubnaan oo ku baaqay in dalkiisa qaato Nidaamka Calmaaniyadda !! 31/08/2020 RW Soomaaliya oo si adag u Cambaareeyay weerarkii lagu laayay dadka shacabka ahaa ee ka dhacay Gobolka Hiiraan 03/09/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 22/05/2020 video:-Magaalada Baydhabo Janaay oo Si Weyn Looga Dareemayo u Diyaar Garowga Ciida 31/08/2017 Madaxweynaha Puntland oo Magacaabay Guddi Cusub (Wareegto) 19/07/2020 Dhageyso:-Caawa Trtanka waxaa Habeenkii 5aad waxaa Nasiib Uyeeshay iney Ka qeeb Qaataan Xaafadaha kala ah Waabari {B} iyo Salaameey {A} WAA TARTAN XIISO LEH 21-5-2018 22/05/2018 Qarax Miino oo Qasaaro kala duwan ka dhashay oo ka dhacay degaanka ceeldheere ee gobolka Baay 11/09/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 11/07/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.