Mareykanka oo War kasoo saaray duqeyn uu la beegsaday Xubno katirsan Al-Shabaab written by Warsan Radio 19/07/2022 Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ayaa howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay qeybo ka mid ah degaanka labikuus oo katirsan Gobolka Jubbada Hoose ee dowlad Goboleedka Jubbaland.War kasoo baxay taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ee loo yaqaan (Africom) ayaa lagu sheegay in, iyaga oo la kaashanay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ay weerar cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab ku qaadeen ciidamada huwanta ahDegaan fog oo u dhow degaanka labikuus taariikhdu markii ay aheyd 17 july ee sanadkan 2022.“Ciidamada Maraykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada kajooga Soomaaliya. Qiimeynta hordhaca ah ee taliska helay ayaa sheegaya in labo ka mid ah Al-Shabaab lagu dilay howlgal iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Mareykanka.Sidoo kale Mareykanka ayaansheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee Afrika ay qaadeen tillaabo wanaagsan oo ah ka hortagga waxyeelada rayidka, isla markaana dadaalkani uu ka duwan yahay weerarrada aan loo meel dayin ee Al-Shabaab si joogto ah ugu qaadaan dadka rayidka ah.“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa weli ka go’an la dagaalanka Al-Shabaab. si ay uga hortagaan dhimashada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ayaa lagu soo geba-gabeeyay Warka kasoo baxay Mareykanka.Mareykanka ayaa horay Soomaaliya uga fulin jiray weeraro joogto ah oo ka dhan ah Urutka Al-Shabaab, hayeeshee Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump intii uu xilka haayay uu joojiyay, waxaase amray in dib loo bilaabo Madaxweynaha la wareegay talada dalka Mareykanka. Mareykanka oo War kasoo saaray duqeyn uu la beegsaday Xubno katirsan Al-Shabaab was last modified: July 19th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Shil khasaaro geystay oo ka dhacay Gobolka Bari You may also like Askar ka mid ah ilaalada Madaxweynaha Puntland oo shil ku geeriyooday 07/03/2022 Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqday go,aan ka dhan ah Guddiga FEIT 02/04/2022 Jabuuti oo koox xaqiiqo raadin ah u dirtay xuduudda Somaliya iyo Kenya 26/12/2020 Wasaaradda Caafimaadka oo ka warbixisay xaalado cusub oo ku soo kordhay COVID-19 04/05/2020 Baydhabo oo ay soo gaartay wafuud ka kala socota Dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada qayb ka ah jamhuuryadda Federaalka Soomaaliya. 16/01/2019 Lix kamid ahaa Shaqaalaha Shirkadda Hormuud oo ku dhintay Qarax lala beegsaday 28/04/2024 Musharixiinta mucaaradka ah oo ka digay in la boobo doorashooyinka dalka 10/01/2021 Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Maanta Ku Wajahan Sacuudiga 07/05/2021 QM oo Cambaareysay duqeyn lala beegsaday xero ku taalla Yemen 22/01/2022 Akhriso:-dhismaha Dekeda Boosaaso oo lagu heshiiyay in dib loo bilaabay 15/04/2019 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.