Ciidamada Booliska Kenya oo toogtay Saddex Ruux gacantana ku dhigay hub written by Warsan Radio 20/07/2022 Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa is rasaaseyn ku dhexmratay Ciidamada Booliska dalkaas iyo kooxo hubeysan oo la sheegay inay ahaayeen Burcad dadka dhac u geysanayay.Dhacdadaan ayaa ka dhacday waddada wayn ee Mombasa Road, waxaana ciidamada Booliska ay ku guuleysteen inay toogtaan Saddex kamid ah raggi hubeysnaa.Saraakiisha Waaxda dambi baarista ee DCI-da ayaa qoraal ku sheegtay in saraakiishu ay ka falcelinayeen xog ay ka heleen Shacabka ee ahaa in raga la toogtay ay dhac geysanayeen.Ciidamada ayaa la kulmay tuhmanayaasha xilli ay dhac gaysanayeen.Saraakiisha Waaxda DCI-da ayaa intaasi ku daray in askarta ay eedeysanayaasha ka dalbadeen inay isa soo dhiibaan balse kooxda ay ciidamada ammaanka rasaas ku fureen taasoo keentay inay ka jawaabaan.Goobta howlgalka laga fuliyay ayay ciidamadu ka soo heleen agab ay ka mid yihiin bastoolad, taleefoonno dhan toddobo iyo kombiyuutar.Wararkii ugu dameeyay ee nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Meydadka saddexda qof ee ay ciidamadu toogteen la geeyay goobta meydadka la dhigo ee city mortuary ee magaalada Nairobi si loo aqoonsado, waxaana jira rag kale oo Boolisku ay ku raad joogaan. Ciidamada Booliska Kenya oo toogtay Saddex Ruux gacantana ku dhigay hub was last modified: July 20th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan next post Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dilay qof Shacab ah You may also like DHAGEYSO: Warka Galab ee Idaacada Warsan 21/03/2020 WARKA HABEEN EE WARSAN RADIO IYO WARBAAHINTA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA OO IDINKAGA IMAANAYEY MAGAALDA BAYDHABO, 11/12/2016 Maraykanka oo dowlada Sudan ka saaray liiska Argagaxisada 15/12/2020 Dhageyso: Barnaamijka Caafimaadka Idaacada Warsan 07/05/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 26/11/2020 VIDEO Munaasabada waxaa soo Qaban qaabiyey Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Ee NUSOJ 04/05/2017 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 20/06/2020 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacda Warsan 14/12/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Beeraha 19/04/2021 Diyaarad gurmad u waday degmada Baardheere oo loo diiday inay tagto degmadaas. 06/04/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.