Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dilay qof Shacab ah written by Warsan Radio 20/07/2022 Maxamed Aadan Maxamed Cali (Gaduudow) ayaa loo soo xeray Dilka Allaha u Naxariistee Marxuum Saciid Xasan Shiiqow 29-kii April ee Sanadkan kadib markii xilli galab ah Bishii Ramadaan ee la soo dhaaftay rasaas uu furay uu ku dhintay Marxuum Saciid Xasan Sheeqow oo afur u soo raadsaday Xerada Agoonta Boliiska Raashin loogu qaybinayay Bulshada kaalmada u Baahan.25-kii May sanadkan ayay Ciidamada Amniga ku wareejiyeen Eedeysanaha Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida, isla xilligaasi ayuu Garsoorka Ciidamada Ogolaaday in Xabsiga dhexe loo gudbiyo Garsuge ahaan.Baaris dheeraad ah oo ay wax uga waydiiyeen Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Maragyadii goob joogga u ahaa dhacdadan iyo Ehellada Marxuumka kadib, Billowgii Bishan ayaa Xafiiska laga Ogolaaday fadhigii ugu horreeyay Ee Maxakamad Qaadista Dable Maxamed Aadan Maxamed Cali Gaduudow oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururuka 143-aad ee Guutada 14-ka October.Qareenka U doodayay Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka Codsaday in laga Qaado Magta Marxuumka Maadaama Uu Qiraal yahay.Fadhiya kala Duwan Maxkamadda Ciidamada ayaa ku xukuntay Maxamed Aadan Maxamed Cali “Gaduudow” Dil-toogasha ah oo ah Qisaasta Marxuum Saciid Xasan Shiiqow, Sida uu dhinacyada Dacwadda u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muunin oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.Xukunsanaha ayaa Haysta fursad uu ku dalban karo Rafcaan. Maxkamadda Ciidamada oo xukuntay Askari dilay qof Shacab ah was last modified: July 20th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidamada Booliska Kenya oo toogtay Saddex Ruux gacantana ku dhigay hub next post Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb You may also like Akhriso:-Ciidammada Juba oo dib ugu laabtay deegaanka Buulo-Guduud 03/09/2017 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 07/12/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan 20/06/2022 Booliska oo soo bandhigay Eedeysane la sheegay inuu dad shacab ah dhacayay 26/08/2023 DHAGEYSO: Warka Subax ee Idaacada Warsan 14/04/2020 Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in DFS diyaar u tahay la wareegitaanka Amniga dalka 06/02/2022 Galmudug oo sheegtay in Saddex Kooxood ay dhibaato ku yihiin Amniga Gobolka Mudug 17/11/2022 Akhriso:-Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo ka hadlay canshuur lagu soo rogay ganacsatada 05/02/2018 Turkiga oo Shuruud ku xiray in Dowladda Sweden ay ku biirto NATO 06/06/2022 Kulan looga hadlay Qorshaha Dagaalka xoreynta deeganada KGS oo qabsoomay 22/10/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.