RW Xamsa oo shaaciyey inay qaadayaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab & Daacish written by Warsan Radio 20/07/2022 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay inay dawladda Soomaaliya ka go’an tahay inay qaaddo hawlgal iskugu jira mid milatari iyo mid aan milatari ahayn oo ka dhan ah ururrada Al-Shabaab iyo Daacish.Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay maanta kulan ay mas’uuliyiita dawladdu la yeesheen xubno ka tirsan Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa sheegay in hawlgalka ka dhanka ah kooxahaas uu noqon doono mid xooggan oo dhammaystiran.Waxa uu sheegay inay ujeeddadu tahay in la xajisto guulihii la gaaray, iyo in dib loo furo jidadka ay marayso sahayda, baabuurta ganacsiga iyo dadweynaha isku safraya.Xamza ayaa sidoo kale sheegay in dib-habayn lagu samaynayo maaliyadda dalka, si looga hortago maalgelinta argagaxisada.Waxa uu uga mahadceliyey Midowga Afrika “naf-hurnimada” ay sameeyeen ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey u sheegay in dawladdu ay doonayso inay saddex siyaabood ku wajahdo Al-Shabaab, kuwaasi oo kala ah mid milatari, mid fikir, iyo mid dhaqaale.Waxa uu sheegay in siyaasaddii ilaa haatan lagu soo waajahayey Al-Shabaab aysan ahayn mid ku filan, waxaana uu sheegay in siyaasadda ah in Al-Shabaab lagula hayo Soomaaliya, dhibkoodana la iska mooso ay guul darraysatay. RW Xamsa oo shaaciyey inay qaadayaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab & Daacish was last modified: July 20th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ismaaciil Cumar Geelle oo sheegay waqtiga uu xilka ka dagayo next post Awaamiir laga soo saarey nabad-gelyadda magaalada Boosaaso You may also like Maraykanka oo muwaadiniintiisa uga digay inay u safraan Soomaaliya iyo Kenya 08/08/2020 Sawiro;-Madaxweynaha Laftagareen oo gaaray Muqdisho 10/09/2022 Xildhibaan u taagan doorashada Kenya oo qof ku dilay goobta codeynta 10/08/2022 DHAGEYSO: Taliska Booliska KGS oo Shaqo Joojin ku soo Rogey Gaadiidka Bajaajka Baydhabo. 07/08/2018 Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo magacaabay Guddoomiyiha Gobolka Bay 03/07/2021 Putin oo farriin u diray Xi Jinping 23/10/2022 Soomaaliya & Caalamka oo Maalintii labaad laga Ciidayo 03/05/2022 Dhageyso: Tartan aqooneedka Idaacada Warsan 17/04/2023 NGOs call upon the government to take stern measures to protect women and girls in Somalia 04/03/2019 Shiinaha oo si adag uga horyimi xiriika Somaliland iyo Taiwan 19/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.