Ismaaciil Cumar Geelle oo sheegay waqtiga uu xilka ka dagayo written by Warsan Radio 20/07/2022 Muddo 23 sano ah ayuu Ismaaciil Cumar Geelle xukumayay dalka Jabuuti oo ay ku nool yihiin shacab tiradoodu dhan tahay hal milyan oo ruux, balse hadda waxa uu ku dhawaaqay waqtiga uu ka dagayo xilka.Wareysi gaar ah oo uu Madaxweyne Geelle siiyay BBC-da ayuu uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin qorsheyaasha dowladdiisa, mucaaradka, sicirka nolosha, kobaca, halista kooxaha jihaad doonka ah, xiriirka Soomaaliya iyo xasaradaha Itoobiya.Ismaaciil Cumar Geelle waddankiisa waxa uu buundo uga dhigay ganacsiga ay dowladda Shiinaha la wadaagto qaaradda Afrika, sidaasna waxa uu ku noqday marinkeeda cusub.Balse dadka kasoo hor jeeda waxa ay maamulkiisa ku qeexeen mid shacabka muquuninaya oo ka hor istaagaya waxyaabaha ay xor u yihiin.Wariyaha BBC-da, Nicolas Négoce, oo dhowr oo wareystay Madaxweynaha Jabuuti ayuu u sheegay in uu xilka wareejin doono sanadka 2026-ka, oo ku beegan marka uu dhammaado muddo xileedka hadda u socda.Taas ayaa ka dhigan in Geelle uusan mar kale usoo istaagi doonin tartanka doorashada madaxweynaha marka ay doorashada xigta dhacayso Ismaaciil Cumar Geelle oo sheegay waqtiga uu xilka ka dagayo was last modified: July 20th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo gaaray Dhuusamareeb next post RW Xamsa oo shaaciyey inay qaadayaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab & Daacish You may also like Qaramada midoobay oo war ka soo saartay xaalada Suudan 26/08/2023 Dad Loo Qabtay Dil Loogu Geystey Muwaadin Soomaaliyeed Dalka Canada 19/09/2021 Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay shirkii kusoo gabagaboobay dalka Jabuuti 18/06/2020 Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland oo ay ku wajahan degaannadooda 12/01/2022 Guddoomiye Aadan Madoobe oo laamaha amniga G/Bakool kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab 13/12/2022 Laamaha Amniga oo Magaalada Muqdisho kusoo bandhigay Burcad dhac geysatay 12/08/2022 Madaxweyne Lafta Gareen oo gaaray Muqdisho 20/05/2021 Dhageyso:-Munasibad Lago kala wareejinaayay Agaasimayaal oo Maanta laguqabtay Baydhabo 30/07/2019 Dhageyso: Xaalada Dadka Ku Nool Kaamamka Magalada Baydhabo 11/02/2019 Wararkii ugu dambeeyay Arrimaha Doorashooyinka Dalka 24/01/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.