Ciidanka Liyuu boolis oo soo bandhigay Al-Shabaab ay dagaalka ku qabteen written by Warsan Radio 23/07/2022 Ciidanka Liyuu Boolis ayaa gacanta kusoo dhigay ku dhawaad 50 ka mid ah dagaalyahanada ururka Al-Shabaab kuwaasoo gudaha u galay dowlad deegaanka Soomaalida.Taliska Ciidanka Liyuu Boolis ayaa sheegay ayaa sheegay in dadkaan loo dhaadhiciyay xabsiyadda,islamarkaana kuwa dhaawacyadda ah la daaweyn doono.Waxaa weli dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeya Ciidamada liyuu Boolis iyo Al-Shabaab ay ka socdaan degaano kamid ah Dhulka Soomaalida Itoobiya.Dagaalada ayaa ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan ay weerareen degaano kuyaalla dowlad degaanka, waxaana dagaalada ka dhashay dhimashada in ka badan 100 Ruux tiro ka badana waa ay ku dhaawacmeen.Saraakiil katirsan Ciidanka liyuu Boolis ayaa sheegay in ay ku hareereeyeen degaanka Huluul oo hoostaga degmada Hargeelle ee Gobolka afdheer, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno kamid ah Al-Shabaab.Laamaha ammaanka oo guulo ka sheegtay dagaalka ayaa sidoo kale sheegay in ilaa intii uu socday dagaalka, 16-gaadiid oo ay wateen ay ka carareen Al-Shabaab marka laga reebo toddoba gaari oo ay gubeen. Ciidanka Liyuu boolis oo soo bandhigay Al-Shabaab ay dagaalka ku qabteen was last modified: July 23rd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxtooyada oo shaacisay inay rajo ka qabto ku biirista Soomaaliya ee Dallada Bariga Afrika ‘ next post NISA oo howlgallo ka dhan ah Shabaab ka fulisay Gedo You may also like Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 28/09/2021 Ra’isulwasaaraha Haiti oo ka degay Jasiirad Hoostagta Mareykanka 06/03/2024 Dil ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose 25/04/2022 Dhageyso:-Taliyaha qeybta booliiska degmada Beledweyne Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa warbaahinta u sheegay in aysan jirin ciidamo ka tirsan booliiska gobolka Hiiraan oo gadood ka sameeyay magaalada Beledweyne. 05/03/2017 Madaxtooyada oo war ka soo saartay Kulankii Madaxda DFS iyo Dowlad Goboleedyada 22/06/2020 Xildhibaanadda Golaha Shacabka Oo Maanta kulan ku leh Muqdisho 04/07/2020 Guddiga Amniga Gobolka Bari oo go’aano kasoo saaray xaaladda Boosaaso 02/12/2021 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 08/01/2023 Madaxweynihii Hore Dalka Brazil oo kaga adkaaday Xilka Madaxtinimo ee Dalkasi madaxweynaha xilka haya 31/10/2022 Ciidanka Xoogga oo la wareegay degaanno ka tirsan Gobolka Mudug 07/11/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.