Ciidanka Liyuu boolis oo soo bandhigay Al-Shabaab ay dagaalka ku qabteen written by Warsan Radio 23/07/2022 Ciidanka Liyuu Boolis ayaa gacanta kusoo dhigay ku dhawaad 50 ka mid ah dagaalyahanada ururka Al-Shabaab kuwaasoo gudaha u galay dowlad deegaanka Soomaalida.Taliska Ciidanka Liyuu Boolis ayaa sheegay ayaa sheegay in dadkaan loo dhaadhiciyay xabsiyadda,islamarkaana kuwa dhaawacyadda ah la daaweyn doono.Waxaa weli dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeya Ciidamada liyuu Boolis iyo Al-Shabaab ay ka socdaan degaano kamid ah Dhulka Soomaalida Itoobiya.Dagaalada ayaa ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab oo wata gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan ay weerareen degaano kuyaalla dowlad degaanka, waxaana dagaalada ka dhashay dhimashada in ka badan 100 Ruux tiro ka badana waa ay ku dhaawacmeen.Saraakiil katirsan Ciidanka liyuu Boolis ayaa sheegay in ay ku hareereeyeen degaanka Huluul oo hoostaga degmada Hargeelle ee Gobolka afdheer, halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno kamid ah Al-Shabaab.Laamaha ammaanka oo guulo ka sheegtay dagaalka ayaa sidoo kale sheegay in ilaa intii uu socday dagaalka, 16-gaadiid oo ay wateen ay ka carareen Al-Shabaab marka laga reebo toddoba gaari oo ay gubeen. Ciidanka Liyuu boolis oo soo bandhigay Al-Shabaab ay dagaalka ku qabteen was last modified: July 23rd, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxtooyada oo shaacisay inay rajo ka qabto ku biirista Soomaaliya ee Dallada Bariga Afrika ‘ next post NISA oo howlgallo ka dhan ah Shabaab ka fulisay Gedo You may also like RW Rooble oo la kulmay Odayaasha Koonfur Galbeed (SAWIRRO) 23/11/2020 Waddamada ku bahoobay G7 oo shirk u yeeshay London 05/05/2021 AKHRISO:-Ciidamada Amniga oo toogtay labo nin oo madaafiic ka riday degmada Wadajir 16/04/2017 Daawo (Deg Deg) Qarax ka dhacay Baydhaba iyo wararkii ugu dambeeyay, 25/12/2018 Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Maanta la magacaabay 26/01/2023 Akhriso:-Shirkadda SKA oo ku warejisay Dowladda Soomaaliya Xogaha macdanta dalka ku jirta. 25/03/2019 Maamulka Puntalnd oo ka jawaabtay hadal kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya 21/08/2020 Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida oo si kulul uga hadlay qaraxyadii Muqdisho 30/10/2022 Dhageyso:-Barnaamija Daadijin Qeybta 2 aad 20/09/2021 Madaxweynaha Somaliland oo si kulul uga hadlay dagaalka Laas-Caanood 16/02/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.