Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Ciidanka liyuu Boolis & Al-Shabaab iyo Madaxweynaha degaanka oo ka hadlay written by Warsan Radio 26/07/2022 Waxaa saaka xaalad deganaansho ah laga dareemayaa aaga degaanka Laasqurun oo 20 km u jira degmada Feerfeer ee xadka Gobolka Hiiraan uu la wadaago dowlad degaanka Soomaalida, halkaas oo ay ku dagaalameen Ciidamada liyuu Boolis & Xubno katirsan Al-Shabaab.Dagaalka ka dhacay dhinaca xadka Gobolka Hiiraan ayaa daba socday dagaalo culus oo Maalmihi la soo dhaafay Ciidamada liyuu Boolis & Al-Shabaab ku dhexmarayay degaano kamid ah dowlad degaanka Soomaalida, kaas oo markii hore ka bilaawday meelo kamid ah Gobolka Bakool.Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalidda, Musrafe Cagjar ayaa sheegay in uu si adag u cambaareeynayo weerarka Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka, isaga oo bogaadiyay jawaabta degdegga ah ee hay’adaha ammaanka degaanka ka bixiyeen weerarkaasWuxuu ugu baaqay shacabka iyo Dawladduba in ay kordhiyaan feejignaanta iyo kahortagga falalka lagu rabo in lagu khalkhalgaliyo amniga iyo xasiloonida Deegaanka, ayna sii joogteeyaan garabistaagga hay’adaha amniga oo ay muujiyeen, isaga oo faray muwaadin kasta in ay masuuliyad ka saaran tahay sugidda amniga shacabka degaanka.Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa diyaarisay Ciidamo farabadan oo Millaterigeeda ah, kuwaas oo Ciidanka degaanka Soomaalida ka caawin doona dagaalka ay kula jiraan xoogagga Al-Shabaab. Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Ciidanka liyuu Boolis & Al-Shabaab iyo Madaxweynaha degaanka oo ka hadlay was last modified: July 26th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Sawiro;-Shir Olole wacyi gelin ah oo looga hadlayo arimaha deegaanka ayaa ka furmay magaalada Baydhabo next post RW Xamse oo shaaciyay qorshihiisa kadib Magacaabista Golaha Wasiirada You may also like Sawiro:Mashruuc oo socon doono muddo 4 sano ah oo Wasaaradda Qorsheynta kg kafurtay magalada abaydhabo 03/12/2019 Qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada oo gaaray Garowe 15/07/2020 Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo ka wadahadlay saameynta dhaqaalle ee cudurka Karoonaha 09/10/2021 Qoorqoor iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo furumaha kula hadlay Ciidanka Qaranka 30/08/2023 Malleyshiyaad loo diyaariyay dagaalka AL-Shabaab oo lagu soo bandhigay Caabudwaaq 21/08/2023 General Odowaa la kulmay Taliyaha Ciidamada Ethiopia 24/08/2021 Askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga oo dil toogasho ah lagu Xukumay 25/10/2023 Ciidamada dowladda Soomaaliya oo la wareegay degaano horleh 16/08/2023 VIDEO DAAWO KUDBADAHII SOO DHAWEYNA MADAXWEYNIYAASHA MAAMUL GOBALEEDYADA OO SOOGAARAY BAYDHABO 13/05/2018 Aqriso: Wararkii ugu dambeeyey ee shirka ka socda magaalada Dhuusamareeb 19/08/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.