Ciidamada Puntland oo fuliyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab & Daacish written by Warsan Radio 26/07/2022 Saacadihii la soo dhaafay ayaa Ciidamada kala duwan ee difaaca Dowlad Goboleedka Puntland waxaa ay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Daacish ka fuliyeen dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka BariCiidamada oo isugu jira kuwa Daraawiishta iyo kuwa PSF & PMPF ayaa sigaar ah howlgalka uga fuliyay degaannada buuraleyda ee Golis iyo Cal-miskaad ee Gobolka Bari, halkaas oo ay aad ugu xoogan yihiin Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish.Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay howlgalka ku bur buriyeen saldhigyo ciidan oo ay isaga tageen Al-Shabaab , isla markaana keyd badan u yaallay, wallow aysan sheegin dad ay kusoo qabteen howlgalkaas.Waxaa sidoo kale ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannadaas, iyada oo Ciidamada kala duwan ee difaaca Puntland ay dhowr jeer howlgallo ka fuliyeen dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari.Maamulka Puntland ayaa dagaal xoogan kula jira Al-Shabaab iyo Daacish, waxaana dhowr jeer Xubno katirsan Al-Shabaab oo kasoo baxay dhulka Buuraleyda ah ay weeraro ka fuliyeen Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari. Ciidamada Puntland oo fuliyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab & Daacish was last modified: July 26th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Ciidamada Puntland oo fuliyay howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab & Daacish next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Radio Warsan You may also like Guddiga ka hortagga Covid19 oo ka shiray xakameynta bulshada ee dabaal degga Maalmaha Ciidda 20/05/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 18/06/2020 Akhriso:-Meletariga Suudan oo Midowga Afrika u qabtay 15 Maalmood 16/04/2019 Akhriso Wararkii I Dambeeyay Xiisada Siyaasadda Dalka 27/12/2021 Dhageyso;- Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 12/07/2022 Qaramada Midoobay oo digniin ay soo saartay 30/03/2022 Waa maxay Sababta Madaxweyne Putin uusan uga qayb galeyn Aaska Mikhail Gorbachev? 03/09/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 24/09/2021 Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Maxaas 19/11/2022 Midowga Yurub oo ku deeqay €17.2 milyan oo loogu taageerayo nidaamyada caafimaadka ee Soomaaliya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan 07/11/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.