laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & hub ay wax ku dhacayeen written by Warsan Radio 31/07/2022 Talisyada Ciidamada Booliska iyo Nabadasugida Gobolka Banaadir & Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Booliska Haramcad ayaa xalay howgal ballaaran oo amniga lagu xaqiijinayay ka sameeyay Guud ahaan Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, halkaas oo ay ku bateen falalka amni darro.Howlgalka oo ay hoggaaminayeen taliyaha qeybta booliska Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole iyo Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Cali Calasow Goofjooge ayaa waxaa lagu soo qabtay Qamri farabadan oo ah Kan dalka dibaddiisa laga keeno, Calaq oo dalka lagu farsameeyo, Xashiish, Kooxo Burcad ah iyo hubkii ay wax ku dhici jireen.Taliyaha qeybta Bari ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Calasow Goofjooge oo howlgalka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalka dadka lagu qabtay baaritaano dheeri ah lagu sameyn doono, isla markaana cid kasta oo lagu helo inay qeyb ka aheyd amni darrada tallaabo laga qaadi doono.Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalkaan uu noqon doono mid si joogto ah looga sameyn doono Magaalada Muqdisho si Amniga Magaalada loo hagaajiyo, wuxuuna Shacabka ugu baaqay inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida Amniga.Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maamulka degmada Kaaraan Abshir Maxamuud Maxamed ayaa sheegay in Kooxaha Burcadda ah ay yihiin kuwo ku dhuumanaya Guryaha, wuxuuna Shacabka uga digay inay qariyaan, isaga oo sheegay in qofkii qariya uu lamid yahay dambiilaha.Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay noqotay mid amnigeeda bilihii la soo dhaafay aad looga deeyrinayay,waxaana Kooxo Burcad ah iyo Ciyaal weero ay dad badan kudileen kuwo kalena ay taleefoono ka qaateen. laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Kooxo Burcad ah & hub ay wax ku dhacayeen was last modified: July 31st, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Puntland & dowlad degaanka Soomaalida oo heshiis Amni wada gaaray next post Al-Shabaab oo fagaare ku toogtay 7 Ruux You may also like African Union, European Union, Intergovernmental Authority on Development and United Nations hold consultations in Baidoa 10/12/2019 Wasaaradda Waxbarashada oo Ansixisay Dhaqangalka Manhajka Dugsiyada Sare 04/08/2020 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 29/09/2020 Axmed Madoobe Iyo Saciid Deni Oo Maanta Kulamo Gaar Gaar Ah La Yeeshay James Swan 31/12/2021 Khilaaf hareeyay Shirweyne looga hadlaayay qaddiyada Arrimaha Falastiin 22/10/2023 Shariif Xasan” In ra’iisul Wasaare la’aan ah dalku ahaado wali ma dhicin” 16/09/2020 Akhriso:-Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay ku Tala Galka Miisaaniyadda Dawladda Ee Sannadka 2020 01/11/2019 Lataliye Sare ka tirsan Xafiiska R/Wasaaraha oo geeriyooday & Xamse oo ka hadlay 09/03/2024 Dhageyso:-Warka Galab ee Idaacada Warsan 10/01/2021 Dagaalka dalka Itoobiya oo sii xoogeystay 07/08/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.