Diyaarado duqeyn ka geystay degaano katirsan Gobolka Hiiraan written by Warsan Radio 07/08/2022 Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta diyaarado dagaal oo ay leedahay dowladda Itoobiya ay duqeyn dhinaca cirka ah ka geysteen degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolkaasi Hiiraan.Diyaaradaha ayaa duqeymaha sigaar ah uga geystay buurta surtaag oo ku aadan deegaanka bacda iyo degaannada Qabno iyo Coowmaad oo kuyaalla inta u dhaxeeysa degmooyinka Mataaan & Maxaas, halkaas ay fariisin ku leeyihiin Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab, sida dadka degaanka ay sheegeen.Goobjoogayaal ayaa ku waramay inay maqlayeen dhawaqa weerarka duqeynta ah , balse ilaa iyo hadda aysan cadeyn karin khasaaraha nafeed iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay duqeyntaas.Degaanada duqeynta Maanta laga fuliyay degaano hoostaga degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa u dhow degaano ay dhawaan howlgallo ka fuliyeen Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu horkacayay Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.Dowladda Itoobiya ayaa duqeyn dhinaca cirka ah ka bilaawday gudaha Soomaaliya tan iyo markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degaano katirsan dhulka dowlad degaanka Soomaalida oo ay maamusho Itoobiya. Diyaarado duqeyn ka geystay degaano katirsan Gobolka Hiiraan was last modified: August 7th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Soomaaliya & Uganda oo kala saxiixday heshiis Amni next post Qarax ka dhacay Magaalada Jowhar You may also like Maraykanka oo dowlada Sudan ka saaray liiska Argagaxisada 15/12/2020 Dhageyso:-Warka Subax ee Radio Warsan 07/06/2020 Dhageyso;- Barnaamijka Arimaha Caalamkaa 17/04/2022 Guddiga Maaliyadda Golaha shacabka oo maanta kulan yeeshay+Sawirro 13/09/2020 Ra’iisul Wasaare Xamse oo Maanta sirasmi ah uga Shaqa bilaabay Xafiiskiisa 29/06/2022 Madaxweyne Trump oo booqday magaalada rabshadaha ka dhaceen ee Kenosha 02/09/2020 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 09/03/2019 Dagaal markale ka dhacay Laas-Caanood & Somaliland oo ka hadashay 07/02/2023 Dhageyso:-Webiga Shabbeelle oo Maanta ka fatahmay Afgooye 02/12/2019 Maxkamadda ICJ Oo Diiday Codsigii Kenya Iyo Dowladda Somalia Oo Ka Hadashay 13/02/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.