Cumar Cabdirashiid oo sheegay in Xukuumadda Somalia laga sugayo waxka qabashada Ciyaal weerada written by Warsan Radio 09/08/2022 Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin magacaabistii Golaha Wasiirada Cusub, xiriirka Soomaaliya & Itoobiya– Amniga Soomaaliya & in wadahadal lala galo Al-Shabaab.Cumar Cabdirashiid oo la hadlayay Tv-ga HBN ayaa sheegay in Xukuumadda Cusub ee Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre looga fadhiyo inay la timaado qorshayaal Amni oo ugu horreeyo sugida Amniga Caasimadda.Wuxuu sheegay in Amniga guud ee dalka uu ku hagaagi karo in marka hore la sugo Amniga Caasimadda lagana hortago weerarada Al-Shabaab iyo Ciyaal weerada dadka waddooyinka ku dilaya.Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdìrashiid oo ka hadlayay magacaabistii Muqtaar Rooboow oo kamid noqday Golaha Wasiirada Soomaaliya ayuu sheegay in ay tahay arein wanaagsan balse loo baahan yahay in dowladda hadda jirta ay uga faa’iideysato sidii dalla looga saari lahaa Al-Shabaab.Ugu dambeyn Cumar Cabdirashiid Wuxuu sheegay in dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh ay horyaallaan Shaqooyin uu ugu horreeyo Amniga dalka iyo isku heyta dalalka Gobolka. Cumar Cabdirashiid oo sheegay in Xukuumadda Somalia laga sugayo waxka qabashada Ciyaal weerada was last modified: August 9th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta ka qeyb galaya shirka dhaqaalaha Soomaaliya & Uganda next post Al-Shabaab oo weeraro ka geystay degaano hoostaga Mandheera & khasaaro ka dhashay You may also like Dhageyso:-Dood ku saabsan saameynta Corona Virus iyo bulshada. 17/06/2020 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 09/01/2023 Somalia Joins the World in Marking World Health Day 11/04/2019 Daawo Arday tiradooda gaarayso lix boqol iyo konton arday ayaa maanta lagu gudoonsiiyay Shahaadooyin 24/02/2017 Dhageyso:-Xildhibaanada Golaha shacabka oo kulankoodi ku kala tagay 06/04/2019 Dhageyaso: Barnaamijka Dhacdooyinka Idaacada warsan 23/05/2023 Ciidanka Falastiin oo xiray siyaasiyiin lagu eedeynayo inay ku lug lahaayeen heshiiska Israel iyo Imaaraatka 22/09/2020 Maxkamadda Ciidamada oo la horkeenay Askar loo heysto dambiyo kala duwan 24/06/2022 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 30/11/2021 Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaaray magaalada London 28/07/2021 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.