Dowladda Imaraadka Carabta oo gargaar ku taageeri doonta 2.5 milyan oo qof written by Warsan Radio 13/08/2022 Markab laga leeyahay dalka Imaaraatka oo sida in ka badan 1,000 tan oo raashin iyo gargaar ah ayaa Soomaaliya soo gaaray si uu u taageero malaayiin qof oo ay saameeyeen abaarihii ugu xumaa ee dalka ka dhacay dhowr iyo toban sano.Shixnaddan oo ah mid aad u muhiim ah ayaa la soo dejiyay dekedda magaalada Muqdisho.Hay,addaha dowladda Imaraadka Carabta ayaa bilaabay in sahaydaan loo qeybiyo qoysaska dhibaateysan iyo dadka barakacayaasha ah.Gargaarka ayaa lagu taageeri doonaa ilaa 2.5 milyan oo qof oo ay saameeyeen abaaro ba’an oo ka dhashay roob la’aan saddex xilli oo xiriir ah.Gargaarkan ayaa yimid bil kadib markii Imaaraadku uu dalka usoo diray markab sida 572 tan oo sahay cunto ah.Hal milyan oo qof ayaa hadda dalka ku barokacay abaarta ba’an tan iyo bishii Jannaayo 2021-kii, sida ay muujinayaan tirokoob ay Khamiistii soo saareen Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga, UNHCR iyo Hay’adda Norwegian Refugee Council. Dowladda Imaraadka Carabta oo gargaar ku taageeri doonta 2.5 milyan oo qof was last modified: August 13th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dokumentiyo sir ah oo laga helay guriga Madaxweynihii hore Trump next post Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan You may also like Dowladda federalka Soomaaliya oo ku eedeeysay Puntland iyo Jubbaland in ay noqdeen jid iyo jiho diid aan doorasho oggolayn 07/04/2021 Ruushka oo talaabo adag ka qaaday dalka Finland 21/05/2022 Gantaalo lagu weeraray garoonka diyaaradaha magaalada Kabul 30/08/2021 Wararkii ugu dambeeyay dagaal & duqeymo ka socda Laas-Caanood 20/02/2023 Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 19/09/2021 Mahdi Guuleed Oo Shaaciyay Xilliga Lagu Dhawaaqayo Xukunka Dacwada Badda 20/09/2021 DHAGEYSO:-DOOD KU SAABSAN CADAALADA GAAR AHAAN HAWEENKA IYO XAQUUQDOODA 23/09/2020 Turkiga Oo Sheegay Inuu Diyaar U Yahay Dhexdhexaadinta Dhinacyada Isku Haya Itoobiya 07/11/2021 Dowladda Kenya oo soo dhoweysay warbixintii guddiga xaqiiqo raadinta IGAD 27/01/2021 Soomaaliya iyo Hungary oo ka wada hadlay fursado waxbarasho oo loo fidiyo ardayda Soomaaliyeed ee ka soo qaxay Ukraine 03/03/2022 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.