Soomaaliya iyo Malaysia oo heshiis kala saxiixday written by Warsan Radio 27/09/2022 Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xildhibaan Fardowsa Cusmaan Cigaal oo ku sugan magaalada Montreal ee dalka Canada, halkaas oo uu ka socdo shirka Hay’adda duulista hawada adduunka ee ICAO ayaa kulan gaar ah la qaadatay dhigeeda Dalka Malaysia , Dr Wee Ka Siong.Wada-hadalka gaarka ah ayaa looga hadlay sida ay labada dal iskaashi uga yeelan lahaayeen adeegyada Gaadiidka iyo Duulista, iyadoo kulanka uu goobjoog u ahaa Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan.“ Malaysia , waa mid ka mid ah waddamada aan dooneyno iskaashi miro-dhal ah inan kala yeelano horumarinta adeegyada Gaadiidka iyo Duulista , waxaana si wadajir ah u xaqiijinay muhiimada ay labada dal arrintaas u leedahay ayay tiri“ Wasiir Fardowsa.Waxaa ay intaa ku dartay Dawladda Malaysia inay Soomaaliya ka taageerrayso farsamada iyo khibrad -wadaag ay ku biirinayaan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya.Wasiirka Gaadiidka ee Malaysia , Dr Wee Ka Siong ayaa dhankiisa xaqiijiyay sida ay mudnaan u siinayaan iskaashiga Soomaaliya ee dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada.Inta uu socdo shir weynaha 41-aad ee Hay’adda duulista hawada adduunka ee ICAO, ayaa kulan doceedyo waxaa ay Wasiir Fardowso , la yeelan doontaa qaar ka mid ah wasiirrada , wakiillada iyo ururrada 193 waddan ee xubnaha ka ah ICAO oo ka qeybgalaya shirka. Soomaaliya iyo Malaysia oo heshiis kala saxiixday was last modified: September 27th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Nin hubeysan oo 15 Ruux kudilay ugsi ku yaalla dalka Ruushka next post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan You may also like EPL: EDERSON OO GUUL DARO KA BADBAADIYAY MAN CITY XILI DE BRUYNE BAREELO LOOGA QAADAY GAROONKA +SAWIRRO 31/12/2017 VIDEO:-Kumanaan Ruux oo Banaan bax ka dhan ah Al-Shabaab ka Dhigay Bayhdabo 18/10/2017 Akhriso:- Shirka Golaha Wasiirada lagu magacaabay Safiiro cusub 19/04/2018 Wararkii ugu dambeeyay Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho. 04/04/2019 Caqabadaha ku Xeeran Hirgalinta Heshiiska 27 May 2021 28/05/2021 Dhageyso:-Cabduqaadir Emed (Chief Sagaareey) oo waraysi siiyay Idaacadda Warsan Baydhabo ayaa sheegay in mar dhow la go’aamin doono Alif-Maay la isku raacsanyahay. 08/09/2018 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 27/10/2019 Roobab Xoogan oo Ka da`ay qeybo Kamid ah Gobolka Gedo iyo Dhibaato Ka Dhalatay 03/12/2016 Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Magacaabay Guddiga gurmadka qarixii jowhar 18/07/2022 Wararkii ugu dambeeyay cudurka Coronovirus 07/02/2020 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.