Siyaasiyiin la sheegay inay Madaxweynaha Gorgortan kula galayaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab written by Warsan Radio 13/10/2022 Iyada oo qeybo kamid ah gobolka hiiraan ay ka socdaan dagaalo iyo howlgallo ka dhan ah ururka Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay jiraan Siyaasiyiin xagal daacinayo howlgallada dalka looga saarayo Al-Shabaab.Xildhibaan Maalik Cabdalla oo katirsan Xildhibaannada golaha Shacabka ee qeybta ka ah howlgallada ayaa sheegay inay jiraan siyaasiyiin Madaxweynaha Soomaalia kula gorgortamaya in la siiyo lacag iyo xilal si ay ugu biiraan dagaallada ka dhanka ah Al-Shabaab.Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in dadka siyaasiyiinta ah ee qorshahaas wada asyan aheyn AMISOM oo lacag ku qaadata dalka, isaga oo sheegay in aan laga aqbaleyn uuna socon doono dagaalka looga soo horjeedo Al-Shabaab.Ugu dambeyn Xildhibaan Maalik Cabdalla wuxuu sheegay in dadka Reer Hiiraan aysan jirin cid ay duulaan ku yihiin, balse Gobolada la deriska ah ee siyaasiyiinta kasoo jeeda shuruud ku xirayaan dagaalka ay Al-Shabaab ku weerari doonaan goobaha ay kasoo abaabulaan weerarada.Hadalka Xildhibaan Maalik Cabdalla ayaa kusoo aadaya xilli dagaalo farabadan ay ka dhaceen gobolka Hiiraan, isla markaana Siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta kasoo jeeda gobolkaas ay dhowr jeer sheegeen in lagu fiirsaday dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab. Siyaasiyiin la sheegay inay Madaxweynaha Gorgortan kula galayaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab was last modified: October 13th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Shirka Maaliyadda dalalka Afrika oo la soo geba-gabeeyay & Somalia oo ka qeyb gashay next post Ciidamo & Gaadiid dagaal oo gaaray degaanka Yasooman & dhaq dhaqaaqyo ka bilaawday You may also like Akhriso:-Afar rux oo rayid ah ku dhinteen Qarax ka dhacay Buulo-Mareer 12/05/2018 Midawga Afrika oo kulan deg deg ah ka yeelanaya xiisadda biyo xireenka Webiga Nile 21/07/2020 Dhageyso: Barnaamijka Athiny ki dayooy ee Idaacada Warsan 13/02/2023 Wararkii ugu dambeyay xaaladda Magaalada Addis Ababa iyo Hachalu Hundessa oo la aasay 02/07/2020 Faah faahin:-Guddoomiyihii degaanka Garasbaaleey oo Qarax lagu dilay 21/05/2021 Puntland oo xal ka gaartay shaqaaqo ka dhacday Gobolka Mudug 23/09/2022 Dhageyso: `Agaasime Maxamed Cumar” Waa In Lahormariyaa Xoola Dhaqatada Soomaaliyeed. 19/02/2020 Akhriso:-Guddoonka Baarlamaanka oo loo gudbiyay Mooshin loogu yeerayo Ra’iisul Wasaaraha 20/09/2018 Tirada dhimashada fatahaadda Kenya oo gaartay 120 qof 30/11/2023 Akhriso:- Xafiiska Hanti Dhowrka Guud oo iska fogeeyay eedeymo uga yimid Maamul goboleedyada 11/09/2018 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.