Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka oo ka qayb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduunka. written by Warsan Radio 15/10/2022 Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka qayb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduunka.Kulankan oo ahaa kii 145-aad ee Baarlamaanka Adduunka ayaa waxaa Soomaaliya uga qayb galay Shan Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka labadiisa Aqal oo ay ka mid ahayd Senator Samsam Daahir Maxamuud.Fadhiga kulanka oo looga hadlay arrimo badan ayaa saddex maalin oo ka mid ah waxaa looga hadlay ka qayb galka siyaasadda ee Haweenka iyo sida guulo looga gaaray tobankii sano ee ugu dambeeyay.Senator Samsam Daahir Maxamuud oo khudbad halkaas ka jeedisay ayaa faahfaahisay horumarka ay Haweenku ka gaareen ka qayb galka siyaasadda iyaga oo hadda soo gaaray xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, taasina ay tahay guul ay ku tallaabsadeen Haweenka Soomaaliyeed.Xildhibaanada Soomaaliya uga qayb galay kulanka Baarlamaanka Adduunka ayaa sidoo kale afarta sano ee soo socota fadhiyada Baarlamaanka Adduunka ku matali doona Soomaaliya, waxa ayna kala yihiin :-1. Senator Samsam Daahir Maxamuud2. Xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud (Xayd).3. Xildhibaan Faarax Macalin Bishaar4. Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed5. Xildhibaan Nuradiin C/laahi Colujoog Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka oo ka qayb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduunka. was last modified: October 15th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dadka ay waxyeelaysay Abaarta ka jirta Soomaaliya oo ka badan tii 2011-kii next post Dowladda Jarmalka oo kaalmo dhaqaalle u ballanqaaday Soomaaliya You may also like DHAGEYSO: M/weyne Lafta Garen oo Ka hadley Dilkii Galkacyo . 15/06/2019 Hay’adaha Qaramada Midoobay oo Mar kale qayla dhaan ka Muujiyay Xaaladda cakiran ee Qasa 06/11/2023 WFP, is looking for a Programme Policy Officer in Dolow to support our mission for Zero Hunger in Somalia. 21/08/2021 Dagaal saaka markale ka billaawday Magaalada Laas-Caanood iyo faah faahin laga helayo 13/02/2023 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka warsan 09/10/2018 Kheyre oo sheegay in ay ka badbaadeen isku day dil oo la doonayay in lagu khaariyo isaga iyo siyaasiyiin kale 19/02/2021 Dhageyso:-Malaaq Deeroow Yacquub oo niyad sami ka muujiyay doorashada KG in ay waqtigeeda ku qabsoomi doonto. 08/12/2018 Dhageeyso:-Warka fiidnimo ee Idaacada Warsan 20/11/2019 Dowladdaha Somalia Iyo Itoobiya Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal 17/08/2022 DHAGEYSO:-XUBINTA GANACSIGA MAGAALDA BAYDHABO 31/05/2017 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.