Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka oo ka qayb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduunka. written by Warsan Radio 15/10/2022 Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka qayb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduunka.Kulankan oo ahaa kii 145-aad ee Baarlamaanka Adduunka ayaa waxaa Soomaaliya uga qayb galay Shan Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka labadiisa Aqal oo ay ka mid ahayd Senator Samsam Daahir Maxamuud.Fadhiga kulanka oo looga hadlay arrimo badan ayaa saddex maalin oo ka mid ah waxaa looga hadlay ka qayb galka siyaasadda ee Haweenka iyo sida guulo looga gaaray tobankii sano ee ugu dambeeyay.Senator Samsam Daahir Maxamuud oo khudbad halkaas ka jeedisay ayaa faahfaahisay horumarka ay Haweenku ka gaareen ka qayb galka siyaasadda iyaga oo hadda soo gaaray xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, taasina ay tahay guul ay ku tallaabsadeen Haweenka Soomaaliyeed.Xildhibaanada Soomaaliya uga qayb galay kulanka Baarlamaanka Adduunka ayaa sidoo kale afarta sano ee soo socota fadhiyada Baarlamaanka Adduunka ku matali doona Soomaaliya, waxa ayna kala yihiin :-1. Senator Samsam Daahir Maxamuud2. Xildhibaan Saciid Maxamed Maxamuud (Xayd).3. Xildhibaan Faarax Macalin Bishaar4. Xildhibaan Ismaaciil Ciid Maxamed5. Xildhibaan Nuradiin C/laahi Colujoog Xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka oo ka qayb galay fadhiga guud ee Baarlamaanka Adduunka. was last modified: October 15th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dadka ay waxyeelaysay Abaarta ka jirta Soomaaliya oo ka badan tii 2011-kii next post Dowladda Jarmalka oo kaalmo dhaqaalle u ballanqaaday Soomaaliya You may also like Dhageyso:-Warka Duhur ee Idaacada Warsan 25/09/2021 Dhageyso;- Warka Fiidnnimo ee Idaacada Warsan 08/09/2022 Tiradda dadka uu ku dhacay Coronavirus Soomaaliya oo gaartay 164 qof 19/04/2020 Kooxda Taliban oo sheegtay in ay Dileen shaqsigii isku qarxiyay Safaarada Ruushka ee Kabul. 06/09/2022 Dhageyso:-ATHIINY MO’OSHIITHY QEYBTII 7AAD OO KI TIRSANGH QEYBTII 3AAD MAREGHDII TARASH 18/01/2017 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 18/06/2020 Wasiirkii caafiimaad Poland oo xilkii iska casishay ka dib Qilaaf hareye wasaarada 31/08/2022 Dhageyso;- Warka Galabnimo ee Idaacada Warsan 28/07/2022 Booliska Somalia oo lagu soo wareejiyay Askari Muqdisho ku dilay Sarkaal Ciidan una baxsaday Koonfurta Suudaan 16/05/2023 Madaxweynaha Maamulka Jubbaland oo Maanta saxiixay saddex xeer 24/09/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.