Dilalka Soomaalida loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika oo kordhay written by Warsan Radio 16/10/2022 Todobaadkaan waxa aaad u kordhay dilalka dhalinyarada Soomaalida ah Kooxaha Burcadda ah ay ugu geysanayaan meelo kamid ah dalka Koonfur Afrika, iyada oo maalmihii la soo dhaafay la dilay in ka badan Saddex Ruux.Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa xalay waxaa ay kudileen Deegaanka Zwide township Ee Duleeedka Magalada Gqeberh (Port Elizabeth) muwaadin Soomaaliyeed oo rooti Gaari ku wareejin jiray.Alle ha u naxariistee Muwaadinka Soomaaliyeed oo lamagacisa lagu soo koobay Najiib ayaa la sheegay in rag burcad ah oo hubeeysnaa ay weerareen xilli gaari uu Rooti ku wareejinayay isagoo geeynaya dukaamo uu macaamil la ahaa.Ciidamada booliska oo gaaray dukaanka falka dilka ah uu ka dhacay ayaabilaabay baadi goobka burcadii ka dambeeysay dilka toogashada ah wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan.Sidoo kale shalay gelinkii dambe Kooxo burcad ah ayaa muwaadin Soomaaliyeed kudilay dukaan uu shaqaale ka ahaa oo ku yaala xaafada Tzakani ee hoostagta magalada Johannesburg sida ay xaqiijiyeen ehalladiisa.Dhinac kale Maalintii khamiista aheyd ee aan kasoo gudubnay Muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu dilay dukaanka uu shaqaale ka ahaa oo ku yaala degmada Germiston ee gobolka Gauteng, kaas oo lagu magacaabi jiray Hassan Mohamud (Hassan Ever)Dhacdooyinka la xiriira dilalka Soomaalida loogu geeysto dukaamaha ayaa sara usii kacay dalka Koonfur Afrika maalmihii la soo dhaafay, waxaana dilalka inta badan ay ka dhacaan deegaano iyo tuulooyinka ay ku badanyihiin falalka dambiyada. Dilalka Soomaalida loogu geysanayo dalka Koonfur Afrika oo kordhay was last modified: October 16th, 2022 by Warsan Radio 0 comment 0 Facebook Twitter Google + Pinterest previous post Dhageyso:-Warka Subax ee Idaacada Warsan next post Madaxweynaha soomaliya Xasan Sheekh oo ka hadlay Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Dalka Turkiga You may also like Ra’iisul Wasaare Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya 08/08/2021 Dhageyso:-Barnaamijka Kulanka Warsan 09/12/2021 Akhriso:-Trump iyo Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqoyi oo kulmay 30/06/2019 Dhageyso: Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 21/01/2023 Norway ayaa baaq ka soo saartay doorashada Soomaaliya 06/12/2021 Madaxda Soomaalida Oo Tacsiyeyen Geeridii Boqoraddia uk Queen Elizabeth II 09/09/2022 Xukuumadda Soomaaliya oo ka digtay doorasho hal dhinac ah xiriirka kubada cagta 24/12/2022 Dhageyso:-Warka Fiidnimo ee Idaacada Warsan 15/06/2021 Dhageyso: Barnaamijka Kulanka Warsan 15/12/2022 Tartan aqooneedkii 10 aad ee Bisha barakeeysan ee Ramadaan oo ka bilaawday Shabakadda warbaahinta Warsan ee magaalada Baydhabo 24/03/2023 Fariintada Nogu soo dir E-mail Adres warsanradiobidoa@gmail.com warsannews@yahoo.com Leave a Comment Cancel Reply Save my name, email, and website in this browser for the next time I comment.